Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Girmay oo ku guuleystay wareegga 3-aad ee Tour de France


Biniam Girmay oo ah ciyaaryahan xariif ku ah wadista bashkalootiga ama baaskiilka, ayaa Isniinti shalay taariikh sameeyay, kaddib marki uu noqday ciyaaryahanki ugu horreysay oo madow ah oo kasoo jeeda Qaaradda Africa oo kaalinta 1-aad ka gala tartanka caalamiga ah bashkalootiga ee Faransiiska.

Girmay ayaa ku guuleysta wareega ama marxaladda saddexaad ee tartanka Tour de France, kaddib marki uu Mark Cavendish oo ka mid ah tartamayaasha ugu caansan ciyaartan uu baaskiilka kula jabay magaalada Torino meel laba kilo mitir u jirta barta dhamaadka.

Girmay oo ah 24 jir, ayay ku qaadatay inuu ku gaaro barta kama danbeysta ee wareega saddexaad in ka badan 230 km. Wuxuu isu soo maray deegaannada u dhaxeeya magaalooyinka Florence ilaa Turin.

Waxaa kaalinta labaad galay Fernando Gaviria oo u dhashay Colombiya halka kaalinta saddexaad uu ku dhameystay Arnaud de Lie oo Belgium ah.

Tartanka Ciyaaraha Baaskiilka ee Tour de France oo billowday 29-ki bishi June ee na-dhaaftay ayaa laga soo billaabay magaalada Florence ee dalka Talyaaniga, waxana lagu wadaa in 21-ka bishan July lagu soo gaba gabeeyo magaalada Nice ee dalka Faransiiska.

Ciyaarahan oo sannadle ah, ayaa qeybta sannadkaan ay tahay tii 111-aad ee Faransiiska. Sannadkaan waa marki ugu horreysay oo laga soo billaabo dalka Talyaaniga, iyada oo taasi loo yeelay si loo maamuuso, 100 sano guuradi kasoo wareegtay, marki ugu horreysay ee uu ciyaaryahan u dhashay Talyaaniga ku guuleystay. Baaskiil-wadahaasi ayaa ahaa Ottavio Bottecchia.

Tartan kan la mid ah oo baaskiillada ah, ayaa waxaa sidoo kale lagu qabtaa dalalka Talyaaniga iyo Spain. Kan Talyaaniga waxaa la dhahaa Giro d'Italia, halka kan Spain loogu yeero Vuelta a EspaƱa.


Madal

XS
SM
MD
LG