Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo raba inuu dhex-dhexaadiyo Ruushka iyo Ukraine


Madaxweynaha Dowladda Turkiye, Raceb Tayyip Erdogan ayaa Arbacadi shalay u sheegay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, in Ankara ay diyaar u tahay in ay kaalin ka qaadato dhameynta colaadda Ruushka iyo Ukraine.

Hase ahaatee dalabka Erdogan ayaa waxaa ku gacan-seyray Ruushka, kaddib marki afhayeen u hadlay Putin uu sheegay in Erdogan uusan dowr dhex-dhexaadineed ka ciyaari karin soo afjaridda dagaalka 28-ka bil socda.

Erdogan oo la hadlayay Putin mar ay ka wada qeybgaleyeen shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Shangahai ee (SCO) ee ka socda Kazakhstan, ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in nabadeyn caddaalad ah oo ku habboon labada dhinac la sameyn karo.

Laakin afhayeenka Putin, Dmitry Peskov, ayaa arrintaasi meesha ka saaray. Mar uu la hadlayay TV laga leeyahay Ruushka, ayuu sarkaalkan ku gaabsaday “Maya’ suurtaga ma ahan. Ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah oo ku aaddan sababta Ruushka uu ku diidayo in Turkiga uu dhex dhexaadiyo labada dhinac waa Kyiv iyo Mosco.

Madaxweyne Erdogan ayaa dhanka kale sheegay in isaga iyo Putin ay ka wada hadleen dagaalka Gaza iyo sida ugu habboon ee loo soo gaba gabeyn karo colaadda Siiriya.

Madal

XS
SM
MD
LG