Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abiy Ahmed oo hanjabaad cusub diray


Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Axaddii ka digay in dalkiisa uu “dulleyn doono” dal kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda, xilli ay xiisado ka taagan yihiin gobolka aan xasillooneyn ee Geeska Afrika.

Itoobiya oo la sheegay in ay tahay dalka labaad ee ugu dadka badan Africa, ayaa waxaa uu khilaaf kala dhaxeeya Soomaaliya, kaasi oo ka dhashay heshiis dhinaca badda ah oo Ethiopia la gashay maamulka la baxay Somaliland.

Xiriirka Masar ee Itoobiya ayaa sidoo kale aan wanaagsan, taasi oo la xiriirta biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee wabiga Nile.

“Nala taaban maayo! Si kastaba ha ahaatee, waanu ceebayn doonnaa cid kasta oo ku dhiirrata inay noo hanjabto si aan iyaga uga leexino,” ayuu Abiy ka yiri xaflad lagu xusayay maalinta Qaranimada oo ka dhacday caasimadda Addis Ababa.

“Cidna kalama xaajoon doono madax-banaanida iyo karaamada Itoobiya,” ayuu sii raaciyay.

Itoobiya ayaa bishii hore ku eedaysay dalal aan la magacaabin in ay doonayaan in ay “qalqaliyaan xasilloonida gobolka” ka dib markii Masar ay saanad milateri u dirtay Soomaaliya ka dib heshiis iskaashi milateri oo ay kala saxeexdeen Qaahira iyo Muqdisho.

Masar ayaa sidoo kale ku yaboohday Soomaaliya in la geeyo ciidamo ka tirsan howlgalka cusub ee Midowga Afrika oo sanadka soo socdabedeli doona ciidamada nabad ilaalinta ee hadda loo yaqaan ATMIS.

Itoobiya ayaa hadda gacan weyn ku leh ATMIS, iyadoo ka gacan siisa ciidamada Soomaaliya dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Balse dowladda Soomaaliya ayaa aad uga carootay heshiiskii bishii January ee sanadkan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo Addis Ababa siinaya marin baddeed, iyadoo Somaliland ay dhinaceeda sheegtay in ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid lagu weeraray madax madax-banaanideeda dhuleed.

Turkiga ayaa dhex dhexaadiyey wadahadalo aan toos ahayn oo u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, si loo xaliyo khilaafka, balse ma aysan sameyn wax horumar ah oo la taaban karo.

Qaahira iyo Addis Ababa ayaa sannado badan waxaa ka dhex jiray khilaaf, iyagoo is dhaafsanayay ereyo kicin ah oo ku saabsan mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya, kaasoo Masar ay sheegtay inuu khatar ku yahay ammaankeeda biyaha.

Madal

XS
SM
MD
LG