Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska New York oo galay Jaamacadda Columbia


Booliska magaalada New York ayaa galay Jaamacadda Columbia fiidnimadii Talaadada, iyagoo isku dayaya in ay kala eryaan mudaaharaadayaal taageersan Falastiin, kuwaas oo qabsaday dhismeyaal ka mid ah fasallada Jaamacadda muddo laba todobaad ah.

Sawirro laga soo daayay telefishinada ayaa muujinayay booliiska oo galaya jaamacadda caanka ah ee Manhattan, taasoo ahayd barta ugu weyn ee mudaaharaadyada ardayda oo ku fiday tobannaan Jaamacadood oo ku yaal Mareykanka.

Saraakiisha Jaamacadda Columbia ayaa horraantii Talaadada ku hanjabay in tacliinta laga eryi doono ardaydii la wareegtay Hamilton Hall.

Qabsashada ayaa bilaabatay habeen hore markii mudaaharaadayaashu ay jabiyeen daaqadaha oo ay qabsadeen Hamilton Hall, halkaas oo ay kusoo bandhigeen boorar ay ku qoran tahay "Hoolka Hind", oo calaamad u ah dhismaha loogu magacdaray ilmo 6 jir ah oo Falastiini ah oo ay ciidamada Israa'iil ku dileen Gaza.

Duqa magaalada New York Eric Adams iyo saraakiisha booliiska magaalada shir jaraa'id oo ay qabteen ku sheegay in la wareegidda Hamilton Hall ay ka dambeeyaan "kacdoonno dibadda laga soo abuulay" kuwaas oo aan oo aan wax xiriir ah la lahayn Columbia.

Mid ka mid ah hohgaamiyayaasha ardayda mudaaharaadka oo la yiraahdo Mahmoud Khalil, oo ah Falastiini wax ka barta machadka School of International and Public Affairs ee Jaamcadda Colombia oo ku jooga fiisaha ardaynimada, ayaa kahoryimid sheegashada ah in dad shisheeye ahi ay bilaabeen qabsashada.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG