Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Ruushka oo galay saldhig ay degan yihiin ciidamada Mareykanka


Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay saldhig ciidamada cirka ah oo ku yaalla dalka Niger oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Maraykanka.

Tallaabadan ayaa daba socota go’aanka ay ciidamada militariga ee xukuma Niger ay ku amreen ciidamada Mareykanka inay dalka ka baxaan.

Saraakiisha militariga ee maamula dalka ku yaalla Galbeedka Afrika ayaa u sheegay Mareykanka in uu dalka kala baxo ku dhowaad 1,000 askari, kuwaas oo ilaa afgambigii sanadkii hore ahaa saaxiib muhiim u ah dagaalka ka dhanka kooxaha muqaawamada ee dilay kumannaan qof, malaayiin kalena barakiciyey.

Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhiga Mareykanka, oo diiday in magaciisa la shaaciyo, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka aysan ku dhex milmin ciidamada Mareykanka balse ay isticmaalayaan hangar gaar ah oo ku yaalla saldhigga Airbase 101, oo ku dheggan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani ee magaalada caasimadda ah ee Niamey.

Tallaabada ay qaadeen ciidamada Ruushka, oo ay wakaalada wararka ee Reuters ahayd tii ugu horeysay ee ay soo tabisa, ayaa ka dhigaysa in ciidamada Maraykanka iyo kuwa Ruushka ay aad isugu dhow yihiin xilli xifaaltanka militari iyo diblomaasi ee labada dal uu sii kordhayo sababo la xiriira dagaalka Ukraine.

Waxay sidoo kale dhalinaysaa su'aalo ku saabsan masiirka qalabyada Mareykanka ee dalka Niger ka dib bixitaankooda.

"(Xaaladdu) ma fiicna laakiin mid la maareyn karo waqtiga dhow," ayuu yiri sarkaalka.

Mar wax laga weydiiyay warbixinta Reuters, Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin wuxuu hoos u dhigay qatar kasta oo ku iman karta ciidamada Mareykanka ama fursada ah in ciidamada Ruushka ay ku dhawaadaan qalabka militariga Mareykanka.

"Ruushka waxay ku sugan yihiin dhisme gaar ah, marinna uma haystaan ciidamada Mareykanka ama qalabkeena," Austin ayaa sidaas ku yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtay Honolulu.

“Waxaan mar walba diiradda saarayaa badqabka iyo babdbaadada ciidamadeena … hase yeeshee waqtigan, ma arko arrin halis ah marka ay noqoto ilaalinta ciidamadeena.”

Safaaradaha Niger iyo Ruushka ee Washington ayaan deg deg uga jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Mareykanka iyo xulufadiisa ayaa lagu qasbay in ay ciidamadooda kala baxaan dhowr dal oo Afrikaan ah kadib afgambiyo xukunka keenay kooxo ay ka go’an tahay inay iska fogeeyaan dowldaha Reer Galbeedka.

Ka sokow ka bixitaanka la filayo ee Niger, ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale ka baxay Chad maalmihii dhowaa, halka ciidamada Faransiiska laga eryey Mali iyo Burkina Faso.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG