Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kumanaan ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay Matabaan


Itoobiya Ethiopia
Itoobiya Ethiopia

Wararka ka imanaya magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo lagu qiyaasay 4 kun oo askari oo lugeynaya ay magaalada soo galeen saakay.

Ciidamadan oo la sheegay inay ka soo gudbeen xadka Ethiopia iyo Soomaaliya ayaa sheegay inay ku raad joogaan maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo ay xog ku heleen inay aagaasi isku urursanayeen.

Ciidamada ayaa dib u noqday ka dib kullamo ay la yeesheen qaar ka mid ah saraakiisha iyo odyaasha magaalada, sida uu VOAda u sheegay guddoomiyaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Bashiir Sheekeeye.

Bishii July ee sanadkii 2022-kii ayaa maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo tiradooda lagu qiyaasay 500 oo nin waxay weerar ku qaadeen Ethiopia, iyagoo ka gudbay xadka gobolka Bakool uu la wadaago Ethiopia.

Xilligaas ayaa ciidamada booliska ee Ethiopia lagu arkay deegaanka Feer Feer ee gobolka Hiiraan iyagoo sida ay sheegeen baacsanayay maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo ay gudaha Ethiopia ka soo eryeen.

Ethiopia waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo isugu jira kuwo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo kuwa ka madax banaan.

Dhaqdhaqaaqan cusub ee ciidamada Ethiopia ayaa ku soo aadaya iyadoo ay weli oogan tahay xiisad ka dhalatay is-afgaradkii badda ee Ethiopia iyo Somaliland ay kala saxiixdeen bishii Janaayo ee sanadkan.

Dhawaan ayaa saraakiil ka tirsan dowladda federaalka waxay sheegeen inay doonayaan in ciidamada Ethiopia ay ka baxaan Soomaaliya.

Dowladda Ethiopia oo arrintaasi ka jawaabeysay ayaa sheegtay inaysan jirin qoraal rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya kaga dalbatay in ciidamadeeda ay la baxdo.

Qorshhaasi waxaa sidoo kale ka soo horjeestay maamul goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed oo sheegay inaan la gaarin waqtigii ay Ethiopia la bixi laheyd ciidamadeeda oo taasi ay fursad u noqoneyso al-Shabaab.

Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa arrintan ka wareystay guddoomiyaha degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Bashiir Sheekeeye.

Wareysiga guddoomiyaha Matabaan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG