Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kuwait: 49 qof oo ku dhintay dab ka kacay dhisme


Ugu yaraan 49 qof ayaa ku dhintay dalka Kuwait, goor dambe oo Arbacadii ah, kadib markii uu dab ka kacay dhismo ay degganaayeen shaqaale ajnabi ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait ayaa ku eedeeyay milkiilayaasha hantida maguurtada ah inay geysteen xadgudubyo ay ku yimaadaan dhacdooyinkan oo kale.

Dowlada Kuwait ayaan si degdeg ah u shaacin dalalka ay u dhasheen dadka dhintay.

Safiirka India ee dalkaasi ayaa booqday isbitaallada lagu dabiibayo shaqaalaha ku dhaawacmay dabka.

Mid ka mid ah isbitaal, ayaa la dhigay in ka badan 30 muwaadin oo Hindi, sida ay safaaradda India ku qortay baraha bulshada.

Isagoo goobta dabku ka dhcay booqanaya, ayuu Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Kuwait Sheekh Fahad Yuusuf Sacuud Al-Sabaax waxa uu yiri " damaca mulkiilayaasha hantida ma-guurtada ah waa waxa keenaya arrimahan".

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG