Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Toddobaadka Soomaalida oo lagu soo geba-gebeeyey Toronto


Somali Week Toronto
Somali Week Toronto

Magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa xalay lagu soo gabagabeeyay tartan cayaaraha kubadda koleyga ah oo ay ka qeyb galeen 6 koox.

Tartankaas ayaa qeyb ka ahaa cayaaraha toddobaadka Soomaalida ee uu soo qaban-qaabiyo ururka Today oo ka dhisan Canada. Tartankan ayaa la qabtay markii ugu horreysay.

Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrintan ka wareystay Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad (Shiine Guhaad) oo usoo cayaaray xulka kubadda koleyga qaranka Soomaaliya, haddana ah guddoomiyaha cayaarahan loo qabtay dhallinyarada iyo Siyaad Saadiq Macallim oo kamid ah qabanqaabiyeyaasha, sidoo kalena ah macallinka kooxda kubadda koleyga ee magaalada Brampton.

Toddobaadka Soomaalida oo lagu soo geba-gebeeyey Toronto
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:46 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG