Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiilka Museveni oo ka tanaasulay musharaxnimada madaxweyne


Muhoozi Kainerugaba
Muhoozi Kainerugaba

Wiilka uu dhalay hogaamiyaha mudada dheer xilka hayay ee Uganda Yoweri Museveni ayaa Sabtidii sheegay inuu ka tanaasulay qorshihii uu xilka madaxweyne ugu tartami lahaa doorashada soo socota ee 2026, isaga oo taageerayaashiisa ugu baaqay inay taas beddelkeed taageeraan aabihiis.

Madaxweyne Museveni, oo dalka hoggaaminayey 38 sano, ayaa si weyn loo filayaa inuu mar kale isu soo taago xilka madaxweynaha, inkasta oo aanu weli si rasmi ah u xaqiijin musharaxnimadiisa.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan ku dhawaaqo in aan ku jiri doonin warqadaha cod-bixinta 2026," ayuu Muhoozi Kainerugaba ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X, oo hore u ahaan jirtay Twitter.

"Waxaan si buuxda u taageersanahay madaxweyne Yoweri Museveni doorashada soo socota," ayuu yiri, isagoo taageerayaashiisa ku boorriyay inay aabbihii taageeraan markii toddobaad.

Kainerugaba, oo hadda ah madaxa militariga dalka, ayaa si weyn loo filayaa in uu ugu dambeyntii noqon doono ninka bedeli doona aabihiis, laakiin wuxuu sidoo kale caan ku yahay inuu sheego hadallo muran badan dhaliyay.

Museveni waxa uu 2022-dii raali geliyey Kenya kadib markii wiilkiisa uu Twitter-ka ugu hanjabay inuu ku duuli doono dalka deriska la ah.

Mucaaradka Uganda ayaa muddo dheer ku eedeeynayey Museveni inuu doonayo inuu boqortooyo ku soo rogo Uganda, taasi oo uu madaxweynuhu beeniyay.

Museveni oo 80 jir ah ayaa dalka Uganda soo xukumayay tan iyo 1986-kii, waxaana uu labo jeer bedelay dastuurka si uu xukunka u kororsado.

Dadka u dhaq-dhaqaaqa xuquuqul insaanka iyo mucaaradkiisa siyaasadeed, oo uu ku jiro heesaaga noqday siyaasiga ee Bobi Wine, ayaa muddo dheer Museveni ku eedeeynayey in uu ciidamada ammaanka u adeegsado xarigga, cabsi gelinta ama jir dilka taageerayaasha mucaaradka. Museveni wuu beeniyey eedeymahaas.

Wine waxa uu galay kaalinta labaad doorashadii madaxtinimo ee u dambaysay ee 2021. Si kastaba waxa uu diiday natiijada, isaga oo tuhunsan in lagu shubtay cod-bixinta iyo afduub iyo cabsi-gelin loo gaystay taageerayaashiisa

Museveni ayaa ku tilmaamay doorashadii ugu cadaaladda badneyd abid ee dalka Uganda.

REUTERS

Madal

XS
SM
MD
LG