Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka iyo Qoyska: Fistulaha iyo Saameyntiisa Gabdhaha Da'da Yar


Haweenka iyo Qoyska
Haweenka iyo Qoyska

Ha’yadda caafimaadka addunnka ee WHO ayaa sheegeysa in sannad kasta inta u dhexeysa 50,000 illaa 100 000 oo dumar ah oo ku kala nool dunida daafeheeda uu saameeyo xanuunka Fistulaha inta ay foosha ku jiraan. Xanuunkan ayaa ah mid si toos ah loola xiriiriyo mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee keena dhimashada hooyada.

Waxaa lagu qiyaasey in in ka badan 2 milyan oo gabdho da 'yar ah ay la nool yihiin xanuunkan oo aaney helin daweyntii ay u baahnaayeen, kuwaasoo badankood ku nool Aasiya iyo dalalka Africa ee saharaha ka hooseeya. Waxaana ay inta badan mutaan faquuq iyo in lagu ceebeeyo xaaladda caafimaad ee ay ku nool yihiin.

Hay’adda WHO ayaa sidoo kale cabir ku bixisay in ku dhawaad 30-36% dhimashada hooyada ay soo gaarto gabdhaha ay da'doodu ka yar tahay 18-ka sano. In gabadhu ay uur qaaddo iyadoo aad u da’yarna ay badanaa sababto xanuunka isku furanka ee loo yaqaano Fistula.

Saameyn intee la eg ayuu gabdhaha da’doodu yar tahay ku leeyahay xanuunka isku furanka. Kaga bogo barnaamijka haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan oo ay arrintaasi ka diyaarisay Caasho Ibrahim Aden (Caasho Cuud)

Dhageyso Barnamijka Haweenka iyo Qoyska
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:41 0:00

XS
SM
MD
LG