Gabar toban sano jirta ayaa la sheegay inay ku dhimatay toddobaadkii hore magaalada Dhuusamareeb kadib markii waalidiinteed oo ay wada degganaaneeyeen dhulka baadiyaha ah oggolaadeen gudniinka fircooniga ah. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Xasan oo Agaasime ka ah cisbitalaka Xannaano ee magaalada Dhuusamareeb oo xaaladda gabadha dhimatay ka hadlay ayaa sheegay in uu dhaawac culus ka muuqday xubneheeda taranka.
Hase ahaatee aabaheed dhalay gabadhaasi oo lagu magacaabo Daahir Nuur Cilmi ayaa VOA-ga uga warramay geerida gabadhiisa iyo sida ay wax u dhaceen.
Dhageyso Wareysiyada dhakhatrka iyo aabaha Aabaha dhalay gabadha u dhimatay u dhimatay dhiig baxa ka dib markii lagu sameeyay FGM-ka.
Labadaba waxaa wareysatay Caasho Ubrahim Aden.