Xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca wacyi galin ku saabsan dhameynta gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha kuwaasoo ay fuliyaan hay’ado aan dowli ahayn oo ka howl gala xeryaha.
Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saasban yahay haweenka iyo shaqo abuurka. Waxaanan si gaar ah ugu soo qaadanayaa sheekada Xaliimo Sheekh Maxamuud "Xaliimo Kaaraan" oo ka mid ah dumarka hormuudka u ah jaaliyadda Somalida ee wadanka Australia
Tan iyo markii uu cudurka COVID -19 ku faafaafay dalkan maraykanka, waxaa dadka Khasab ku noqotay inay guryaha joogaa si looga bad baado waxyeelada xanuunkan safmarka ah. Caruurta ayaa bilihii u dambeeyay iskuulka ku qaadanaya guryaha.
Barnaamijka Qoyska waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay takoorta ay la kulmaan dadka Soomaalida ah ee uu ku dhaco xanuunka COVID 19.
Caadada ku dhacda dumarka waa mid gabar kasta oo qaan gaar ah oo caafimaad qabta ku dhacda ugu yaraan bishiiba hal mar.Qofka dumarka ah ayaa marka ay caadada ku dhacdo waxa ay u baahan tahay inay hesho suufka loogu tala galay xakamaynta dhiigga ee saacadaha dheerna xajin kara.
Sanadkii 2018-ka, tirada dadka qaxootiga ah, ama dib u laabanaya, ama aan lahayn dal, iyo kuwa ku barakacay gudaha dalkooda ayay hay’adda qaxootiga ee UNHCR waxa ay ku sheegtay inay kor u dhaafeen ku dhowaad 71 milyan oo qof.
Hay’adda qarxootiga ee UNHCR ayaa wadda dadaalo ay dadka qaxootiga ah kaga daadgureyneyso magaalada Tripoli ee dalka Libaya oo ay wali ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.
Barnaamijka toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay gabdhaha danyarta ah ee safarrada naf hurka ah u gala si ay u helaan waxbarasho iyo xarumaha yar ee ay leeyihiin gabdhaha ee caawimaadda u fidiya gabdhahan.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa toddobaadkan ku dhowaaqay sharci cusub oo si gaar ah u taabanaya dadka soo galootiga ah ee dalkan Maraykanka, gaar ahaan dadka aan aqoon luuqadda Ingriiska iyo kuwa kaalmada ka qaata dowladda.
Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay sida ay carruurta yar yar u qabatimaan aaladaha casriga ah sida telefoonada iyo ipadyada, iyo qaababka ay waalidiintu uga xakamayn karaan carruurtooda inay waqti badan adeegsadaan aaladahani
Dhageyso barnaamijka haweenka iyo Qoyska oo ku saabsan duruuaha ay ku nool yihiin carruurta iskoriska ah ee ku dhaqan dalka
Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Nasro Xasan Cali (Nasri Som) oo lacagtii ay ugu talo gashay inay ku qarash gareeyso xafladda arooskeeda waxay siisay dad Soomaali ah baahan oo jooga guadaha dalka.
Khubaradii iyo aqoonyahankii ka qayb galay kulanka sanadlaha ah ee dhowaan ka dhacay magaalada Boras ee dalka Sweden ayaa soo saarsy war-murtiyeed ka kooban toddobo qodob.
Gabar toban sano jirta ayaa la sheegay inay ku dhimatay toddobaadkii hore magaalada Dhuusamareeb kadib markii waalidiinteed oo ay wada degganaaneeyeen dhulka baadiyaha ah oggolaadeen gudniinka fircooniga ah. Dr. Cabdiraxmaan Cumar Xasan oo Agaasime ka ah cisbitalaka Xannaano ee magaalada Dhuusamareeb oo xaaladda gabadha dhimatay ka hadlay ayaa sheegay in uu dhaawac culus ka muuqday xubneheeda taranka.
Maryan Cabdullaahi oo ka tirsaneyd ururka caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa waxaa shalay lagu dilay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shriif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhaweeyey liiska argagixisada ee Mareykanka uu ka saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah .
Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhgoweeysay magacaabista Madaxweyne Barack Obama uu safiir cusub u magacaabay Soomaaliya markii ugu horraysay muddo ka badan 20 sano.
Magaalada-tan Washington waxaa shalay lagu soo gaba-gabeyay shir caalami ah oo lagaga hadlayay ka hortagga xag-jirnimada, kaasoo ka socday aqalka cad iyo wasaaradda arrimaha dibadda.
Kuwo kale