Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Denmark oo Shuruuc ka Soo Saartay Muhaajiriinta


Dalka Denmark ayaa soo saaray sharci cusub oo ku qasbaya dadka qaadanaya dhalashada dalkaasi in maalinta la dhaarinayo ay gacan-qaadaan mas’uuliyiinta guddoonsiinaysa dhalashada.

Sharcigan ayaa macnihiisu yahay in dumarka qaadanaya dhalashada dalkaasi ay gacan qaadaan masuulka ninka ah ee guddoonsiinaya shahaadada, haddii uu nin yahay qofka dhalashada qaadanayana uu gacan qaado masuuliyiinta dumarka ah.

Arrintan ayaa loo arkaa inay tahay mid loola jeeedo dadka muslimka ah ee qaadanaya dhalashada dalkaasi

Caasho Ibrahim Aden ayaa arintan iyo shuruuc cusub oo la xiriira xagga muhaajiriinta waxa ay ka wareysatay Cabdirashiid Cabdi oo ka tirsan golaha deegaanka ee magaalada Odense.

Dhageyso wareysiga oo dhameystiran.

Dhageyso Wareysiga Sharciga Cusub ee Denmark
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:45 0:00

XS
SM
MD
LG