Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka Iyo Qoyska: Umuliso Dhaqameedka


Umulisadu waa xirfadle caafimaad oo tababaran oo caawisa haweenka caafimaadka qaba inta lagu jiro foosha, umulinta, iyo dhalashada carruurtooda. Umulisooyinku waxay ku umulin karaan dhallaanka xarumaha dhalashada, guriga, iyo sidoo kale cisbitaalka.

Waxaa sidoo kale jira umuliso dhaqameedyo aan iyagu xirfad caafimaad lahayn kuwaasoo Intooda badan aan helin tababar caafimaad oo rasmi ah, laakiin taa bedelkeeda waxay barteen tababar-xirfadeed ama khibrad toos ah.

Qaarkood waxay leeyihiin xarumo caafimaad oo yar yar, kuwana waa kuwo ay hooyooyinku ugu yeertaan guryahooda saacado ka hor marka ay dareemaan in iliumu soo dhow yahay.

Dalalka horey u maray, sida Maraykanka kuma badna umuliso dhaqameeyadu, hase ahaatee dalalka saboolka oo ay Soomaaliya ku jirto, Umuliso dhaqameedyada aad ayaa looga yaqaanaa, waxaana ay inta badan gacan wayn siiyaan hooyooyinka aan awoodin inay cisbitaal ku dhalaan, iyo kuwo aan iyagu aamin ku qabin inay ku dhlaan cisbtaalada.

Dhageyso Barnaamijka oo ay soo diyaariysay Caasho Ibrahim Aden "Caashocuud"

Dhageyso Barnaamijka Umuliso Dhaqameedka
please wait

No media source currently available

0:00 0:12:42 0:00


XS
SM
MD
LG