Dhowaan ayay dowladda Maraykanka u oggolaatay in carruurta ay da’doodu tahay 12 jir iyo wixii ka weyn ay qaadan karaan talaalka COVID-19.
Waalidiinta qaar ee daggan dalka Maraykanka ayaa qaar ay u riyaaqeen talaabadan halka kuwo kalana ay shaki ka muujiyeen in ay carruurtooda siiyaan talaalka COVID-19.
Haddaba dhageyso Barnaamijka Qoyska oo ku saabsan kala aragti duwanaanshiyaha qoysaska Soomaalida ee talaalka COVID-19 ee dhowaan loo oggolaaday carrurta 12 jirka ah iyo wixii ka weyn iyo haddii ay jirto sabab looga baqo qaadashadiisa.
Barnaamijka waxaa soo diyaarisay idinla socodsiineysa Caasho Ibrahim Aden (Caashocuud)