Waalidiinta Soomaalida ah ee ku nool qurbaha, gaar ahaan waddamada Yurub, America, iyo Australia, ayaa qaarkood carruurta ula guura dalalka Africa iyo kuwa islaamka, iyagoo rajo ka qaba in ilmahooda ay u helaan barbarin ku saleysan hab waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaalida, iyo in sidoo kale ay carruurtoodu bartaan afka soomaaliga.
Haddaba toddobaadyada soo socda ayaa waxaan barnaamijkan Qoyska ku eegeynaa sida ay waalidiinta Soomaalida ee ku nool dalalka Galbeedka ay uga mira dhaliyaan rabitaankoodaas ah in carruurtooda noqoto kuwa ku barbaarta dhaqanka soomaaliga, diilnta islaamka, kuna hadasha afka Soomaaliga.
Toddobaadkan waxaa barnaamijka inoogu marti ah Iimaan Maxamed Ciise oo isaga, xaaskiisa, iyo laba carruur ah oo uu dhalay dagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo ka soo guuray dalka Britarin.
Dhageyso sheekada dhex martay Iimaan iyo qoyskiisa iyo Caasho Ibrahim Aden (Caashocuud).