Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxaa marti ku ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji.
Marwo Sacdiya waa gabadhii ugu horreysay ee Soomaali ah ee loo doorto xilkan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji ayaa sheegtay in dad badan ay lama filaan ku ahayd in ay ku guuleysan karto xilka loo doortay dabayaaqadii bishii hore. Hase ahaatee Sacdiya ayaa sheegtay in ay aaminsaneyd in xilkaasi ay hanan karto.
Haddaba wareysi ay siisay Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ayay Sacdiya kaga hadleysaa kaalintii ay gabdhaha ku jira baarlamaanka ka qaateen inay ku guuleysato xilkan, howlaha horyaalla ee ay mudnaanta siineyso, doorashadii madaxweynaha ee Axaddii ka dhacday dalka iyo waxa ay la tahay in ay ugu wacneyd in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu doorto codad aad u badan oo 200 kor u dhaafaya iyo arrimo kale.
Dhagesyo wareysiga oo ay Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji la yeelatay Caasho Ibrahim Aden.