Iyadoo shaqo la’aanta haysata dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u sarreyso, ayaa wasaaradda waxbarashada qaybteeda xirfadadaha iyo waxbarashada dadban ay dadaal ugu jirtaa inay yareyso dhibaatada dhallinyaro badan ka haysta xagga shaqo helista, iyadoo taas u mareysa inay barto xirfado u horseedi kara inay shaqo helaan.
Cabdicasis Nuur Maxamed, agaasimaha waaxda xirfadadaha iyo waxbarashada dadban ee wasaaradda waxbarashada ayaa Caasho Ibrahim Aden uga warramay howshaasi.