Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar qof oo ku dhintay doon ku degtay waqooyiga Talyaaniga


Ugu yaraan afar qof ayaa dhimatay, hal qofna waa la la’yahay kadib markii doon dalxiis oo uu dhirirkeedu yahay 16 meter ay ku degtay harada Maggiore ee waqooyiga Talyaaniga fiidnimadii Axadda.

Dad biyaha quusa oo ay taageereyso diyaarad helicopter ah ayaa sii waday raadinta qofka maqan.

Gurmadka iyo baadi goobka ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaarad ambalaas ah, gaadiidka gurmadka degdegga ah iyo dab-demiska iyo sidoo kale Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Booliska.

Ciidanka Dab-demiska iyo Badbaadinta Qaranka ayaa sheegay in 20 qof ay u suurtagashay inay xeebta ku dabaashaan ama ay soo badbaadiyeen doomo kale, waxaana shan ka mid ah dadkaasi loo qaaday isbitaallada deegaanka si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Si kastaba ha ahaatee, dadaalka samatabbixinta ayaa waxaa hakiyay roobab xooggan iyo mugdi, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegtay in doonta ay saarnaayeen 25 qof oo isugu jira rakaab iyo shaqaalihii la socday.

Rakaabka ayaa u dabaaldagayay xaflad sanad-guuro dhalasho kadib markii duufaan xoog leh ay si lama filaan ah uga soo kacday harada iyadoo dabeylo xooganna ay rogeen doonta.

Dhamaan dadkii saarnaa doonta ayaa ku daatay biyaha barafka ah ee harada Maggiore

Madal

XS
SM
MD
LG