Burcad badeed la tuhunsan yahay in ay Soomaali yihiin ayaa isaga cararay doon kalluumeysi oo ay ku afduubteen meel ka baxsan xeebaha Geeska Afrika, kadib muddo shan maalmood ah oo ay haysteen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Isniintii.
Howlgalka ciidamada badda Midowga Yurub ee EUNAVFOR Atalanta, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in burcad badeeddu ay weerareen 17-kii Febraayo dooni dhaqameed loo yaqaan dhow, oo ka shaqeysa biyaha Bariga Dhexe. Weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhow magaalada xeebta leh ee Eyl, Soomaaliya.
Doonidan, oo lagu magacaabo Saytuun-2, ayaa gacanta burcad badeedda ku jirtay ilaa Sabtidii, sida ay sheegeen EUNAVFOR. Burcadda ayaa watay jaranjarooyin iyo hub, taasoo muujineysa in laga yaabo inay doonayeen inay weerarro kale ku qaadaan maraakiib kale iyagoo u adeegsanaya doonta kalluumeysi xarun ahaan.
“Burcad badeedda la tuhunsan yahay waxay ka baxeen doonida kalluumeysiga kaddib markii ay la tageen qaar ka mid ah agabka shaqaalaha saarnaa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka EUNAVFOR. Waxaa intaa lagu daray in shaqaalihii saarnaa Saytuun-2 ay hadda nabad qabaan oo ay xor yihiin.
Weerarkii 17-kii Febraayo ayaa yimid wax ka yar toddobaad kaddib markii burcad badeed kale ay weerareen dooni kalluumeysi oo laga leeyahay Yemen, taasoo ugu dambeyn ay ka carareen, halka shaqaalihii saarnaa ay badbaadeen.
Burcad badeednimada xeebaha Soomaaliya ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay sanadkii 2011, markaasi oo la diiwaan geliyay 237 weerar. Xilligaas, burcad badeednimadu waxay dhaqaalaha caalamka ugu kacday qiyaastii $7 bilyan, iyadoo la bixiyay $160 milyan oo madax furasho ah, sida ay sheegtay hay’adda Oceans Beyond Piracy.
Khataraha burcad badeedda ayaa si weyn u yaraaday markii ay bateen howlgallada ciidamada badda caalamiga ah, dowladda dhexe ee Soomaaliya ay xoojisay awooddeeda, iyo dadaallo kale oo la qaaday oo lagu hakiyay weerarrada.
Si kastaba ha ahaatee, weerarrada burcad badeedda Soomaaliyeed ayaa mar kale kor u kacay sanadkii la soo dhaafay, sababo la xiriira xasillooni-darro ka dhalatay weerarrada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan marinka Badda Cas, ee la xiriira dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza.
Sanadka 2024, waxaa la diiwaan geliyay toddoba dhacdo oo burcad badeednimo ah oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Xafiiska Caalamiga ah ee Kormeerka Maraakiibta (International Maritime Bureau).
Madal