Gobolka la dayacay ee Balochistan, oo ku yaalla koonfur-galbeed Pakistan, ayaa muddo sanado ah la daalaa dhacayay kacdoon hubaysan, iyadoo weerarradii ugu dambeeyay ee sii kordhaya ay muujinayaan caqabadaha ay dowladda Islamabad kala kulmayso sugidda amniga.
Midowga Yurub ayaa Arbacada maanta ah ku dhawaaqay tallaabooyin ganacsi oo aargudasho ah, iyagoo soo rogay cashuuro cusub oo lagu kordhinayo badeecadaha warshadaha iyo wax-soo-saarka beeralayda Mareykanka.
In ka badan 180 qof ayaa la la’yahay kaddib markii afar doon oo siday muhaajiriin ay ku degeen biyaha u dhexeeya Jabuuti iyo Yemen, sida ay Jimcaha maanta ah Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) u sheegtay AFP.
Mas’uuliyiin Mareykan ah ayaa "wada-hadallo iyo doodo socda" la yeeshay hoggaamiyeyaasha Xamaas, sida ay xaqiijisay afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, Arbacadii, xilli xabbad-joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza ay khatar ku jirto.
Burcad badeed Soomaali ah ayaa isaga cararay doon kalluumeysi oo ay ku afduubteen meel ka baxsan xeebaha Geeska Afrika, kadib muddo shan maalmood ah oo ay haysteen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Isniintii.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Arbacadii sheegtay inay diyaar u tahay taageeridda dadaallada nabadeed ee Sudan, maalin kadib markii dowladda Khartoum ay ku eedeysay Nairobi inay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda, kaddib martigelinta shir ay yeesheen hoggaamiyeyaasha kooxda (RSF).
Xamas ayaa Khamiista maanta ah ku dhawaaqday in ay sii dayn doonto saddex qof oo Israa’iili ah sida qorshuhu ahaa, taasoo xal u horseedi karta muran weyn oo hareeyay xabbad-joojinta ka jirta Marinka Gaza.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala orday masraxa isu soo bax ka dhacay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania ka dib markii la maqlay dhowaqa rasaas.
Ra'iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa kala diray Golihii Wasiirada ee dagaalka ee saameynta badnaa, kaasi oo u xil saarnaa inuu hago dagaalka Gaza, sida ay sheegeen saraakiisha Israel.