Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo lagala cararay masrax uu ka hadlayey kadib wax u muuqday rasaas


Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa lagala orday masraxa isu soo bax ka dhacay magaalada Butler ee gobolka Pennsylvania ka dib markii la maqlay dhowaqa rasaas.

Trump ayaa soo bandhigayay shaxda tirada dadka muhaajiriinta ah ee ka soo gudbaya xadka markii ay billaabantay maqalka dhawaqa rasaasta. Trump ayaa la arkayey isagoo gacantiisa midig qoorta ku haya, waxaana ka muuqday wajigiisa dhiig.

Waxaa si deg deg ah isugu gadaamay saraakiisha ilaalada Secret Service, kuwaas oo kadib kala cararay masraxa, ayada oo dadweynihii goobta isugu yimid ay qeylinayeen.

Dadweynaha ayaa farxad la qeyliyey markii uu dhulka soo kacay isaga oo xabadka garaacaya. Waxaa kadib goobta loogala cararay baabuur. Illaa hadda faah-faahin buuxda lagama hayo xaaladdiisa dhabta ah.

Booliska ayaa kadib billaabay in ay goobta ka daad-gureeyaan dadka kadib markii Trump uu ka tegay.

Afhayeen u hadlay Secret Service, Anthony Guglielmi, ayaa goor dambe qoraal uu soo saaray ku sheegay in Trump "uu badqabo,” balse ma bixin faah-faahin dheeraad ah.

Isaga oo ka tegaya isu soo bax ka dhacay magaalada Rehoboth Beach, madaxweyne Joe Biden ayaa ku jawaabay “maya,” mar wax laga weydiiyey haddii lala socodsiiyey dhacdadan.

Ololaha Donald Trump ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in uu “badqabo” madaxweynihii hore.

"Madaxweyne Trump wuxuu uga mahad celinayaa booliska iyo gurmadka deg degga ah ficilka deg degga ah ee ay qaadeen intii uu socday falkan foosha xun," ayuu afhayeenka Trump Steven Cheung ku yiri bayaan uu soo saaray.

“Wuu fiican yahay, waxaana lagu baarayaa xarun caafimaad oo deegaanka ah. Faahfaahin dheeraad ah ayaan bixin doonnaa.”

Dhinaca kale, xeer-ilaaliyaha magaalada Butler ayaa sheegay in la dilay ninkii rasaasta furay ee toogashada sameeyey. Waxaa sidoo kale dhintay qof shacab ahaa oo goobta ku sugnaa.

Madal

XS
SM
MD
LG