WASHINGTON DC —
Daraasad ay maalgalisay hay’adda cilmibaarista ee Heritage ayaa lagu soo bandhigay caqabadaha ka taagan manhajka waxbarashada Soomaaliya iyo sida wax looga qaban karo.
Daraasaddaasi ayaa waxaa qoray Dr. C/llaah Sheekh Aaden Xuseen oo ah aqoonyahan ka tirsan hay’adda Qadar Foundation qaybteeda cilmi baarista, islamarkaana shahaadada PHD-da ku haysta waxbarasha.
VOA ayaa Dr. C/llaah Sheekh Aaden Xuseen wax ka weydiisay macluumaadka ay xambaarsan tahay daraasadda. Caasha Ibraahim Aadan ayaa wareysatay.