Wasaraadda Arrimaha dibedda China, ayaa sheegtay khamiista maanta ah inay hubineyso afduub la sheegay in kooxda Daacish ay u geysatay qof dalkaas u dhashay.
Hadalkaas ayaa yimid maalin kadib, markii Daacish ay wargeyskooda online-ka ah ay ku daabaceen sawirrada laba nin oo ay afduubteen, islamarkaana ay dalbadeen madax furasho aan cayimneyn.
Waxa ay labada nin ku kala sheegeen Fan Jinghu oo ah 50 jir u dhashay China iyo 48 jir lagu magacaabo Ole Johan Grimsgaard-Ofstad, oo dalka Norway u dhashay.
Warbixinta ma aysan sheegin goorta iyo halka laga qabtay lahaystayaashan.
Ra’iisul Wasaaraha Norway Erna Solberg ayaa arbacadii sheegtay in mas’uuliyiinta Norway ay ogaadeen inay suurta gal tahay in la afduubtay nin dalkaasi u dhashay oo da’diisa ay tahay afartameeyada oo laga qafaashay Syria, dhammaadkii bishii January ee sanadkan, ayna u maleynayaan inay haysato kooxda Daacish.
Solberg, waxa ay sheegtay in Norway ay isku geyn doonto dadaallo lagu sii deynayo ninkaas, balse dowladdeeda aysan madax fursho siin argagixisada.