Dowladda Kenya ayaa ogollaatay furitaanka xero afraad oo la magac baxday IFO-2, Xeradan ayaa waxaa loogu talagalay qaxootiga Somalida ee ka cararaya colaadda iyo abaaraha.
Raisal-wasaaraha Kenya, Raila Odinga oo booqday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegay in xeradan cusub la furi doono muddo toban cisho ah.
Faarax Macalin, kuxigeenka guddoomiyaha baarlamaanka Kenya ayaa VOA u sheegay koror ku yimid qaxootiga ka imanaya Somalia ay keentay inay la furo xeradan afraad.