Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca Siyaasadda, Lynn Pascoe, iyo madaxa WFP Josette Sheeran ayaa safar ay ugu kuurgalayaan abaaraha Somalia ku tagay Muqdisho.
Saraakiishan waxay kullamo la qaateen madaxda Dowladda KMG. Josette Sheeran ayaa Muqdisho kaga dhawaaqday inay bilaabayaan maalmo gudahood duullimaadyo cunto nafaqo leh iyo dawooyinba ay ku gaadhsiinayaan caruurta nafaqa-daradu hayso ee Muqdisho ku sugan.