Dalalka deriska la ah Soomaaliya ee loo yaqaan safka hore ayaa ballan-qaaday inay ka qeyb-galaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay Soomaaliya usoo dirayaan ciidamo ka madax-banaan ATMIS.
Ballan-qaadkan ayaa lagu sameeyey shirkii kowdii Febreeyo ee sanadkan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen hoggaamiyeyaasha dalalka Djibouti, Itoobiya, Kenya, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo shirkaasi marti galiyay.
Wixii imarkaas ka dambeeyay ciidamada Soomaaliya iyo shacabka oo iskaashanaya ayaa guulo ka garay wajigii koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, iyagoo maleeshiyaadka Al-Shabaab ka saaray deegaano badan.
Si kastaba, waxaa sidii la rabay aan u socon diyaar-garowga wajiga labaad ee howlgalka la magacbaxay Libaaxa Madoow (The Black Lion), oo ku wajahan deegaanada Al-Shabaab ay kaga sugan yihiin maamullada Jubaland iyo Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kaasi oo uu qorshuhu ahaa inay qeyb ka noqdaan ciidamo ka socda dowladaha deriska la ah Soomaaliya.
Maxaa hortaagan dalalka safka hore?
Dalalka deriska ah ayaan weli ka dhabeyn ballan-qaadkii ahaa inay ciidamo ka madax-banaan ATMIS usoo diraan Soomaaliya. Dadka amniga fallanqeeya ayaana sabab uga dhigaya culeyso amni oo ka jira gudaha dalalkaas qaarkood.
Dalka Itoobiya, dagaal ayaa ka billowday gobolka Amxaara, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo jabhadda Fano ee gobolka. Sidoo kale, Kenya ayaa waxaa haysta culeyso amni oo dhanka gudaha ah.
“Kenya oo kale marka aad eegtid, meelaha furimaha ah ee ciidamadooda joogaan, ma ahan meelaha ay Al-Shabaab dagaalka ku hayaan. Waxaan ognahay in Al-Shabaab ay gudaha Kenya dhibaato badan ku hayaan, oo ay weeraro badan ka gaysanayaan, marka qofka marka uu kuu gurmanayo waa in tiisi uu marka hore uu meel saaraa, qof tiisaba aanan meel saarin inuu kuusoo gurmado culayskeeda ayay leedahay,” waxaa sidaas yiri wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed oo la hadlay VOA.
“Itoobiya markaan ka hadalno, dagaallo badan ayaa ka socda gobolka Amxaarada maalmihii lasoo dhaafay, waa tii ay ku jirtay dagaakii gobolka Tigray, marka dhan walba marka aad ka eegtid, marka hawlgalkan dib u dhaca waxaa ku keenaya, Itoobiya waxaa haysata dhibaato gudaheeda ah, maanta iyo berri, uma muuqato inay ciidamo soo diri karto, Kenya, markii horeba saadka ayaan idinka caawinaynaa ayay dhahday, marka dowladdu waa inay ku talogashaa in ciidankeedu uu hawglgalka fuliyo, ATMIS-na ay ka caawiso wixii qorshe iyo caafimaad ah,” ayuu ku daray Cabdirashiid.
Culeysyo siyaasadeed
Ka sokow caqabadaha amni, Dr. Cabdi Cali Xassan, oo soo noqday wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo amniga Soomaaliya ayaa aaminsan inuu jiro culays siyaasadeed oo hortaagan inuu billowdo wajiga labaad ee gulufka dagaal, kaasi oo u baahan inay marka hore ka heshiiyaan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha safka hore ee uu qorshuhu yahay inay qeyb ka noqdaan hawlgalka.
“Culeys siyaasadeed waaye, horta ogoow dagaal inta aadan gelin, siyaasiyan inaad diyaarsan tahay waaye, haddii ATMIS iyo dowladaha safka ay dowladdu garab uga baahan tahay, dagaalka inta aanan la gellin ka hor waa inay ka heshiiyaan, qorshe ayay u baahan tahay, dowladaha safka hore qorshahooda wuu qoran yahay, haddii uusan heshiis jirin cagajiid ayaa imaanaya, mar kasta ayaa lagaaga bixi karaa ballanta,” ayuu yiri Dr. Cabdi Cali Xassan.
Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo dalalka caawinaya ay tahay inay heshiis qoran oo siyaasadeed u beddelaan ballan-qaadkii ah inay la-dagaalamayaan Al-Shabaab.
“Siyaasaddu waa qaabkii aad u fulin lahayd iyo farsamadii aad isticmaali lahayd, marka ATMIS siyaasad qoran ayay leedahay, iyo qorshe fulinayd oo siyaasaddaas raacaaya, kuna salaysan sharciga ku qoran xeerka Midowga Afrika, qodobkiisa 4-aad ee ka hadlaayo hawlgallada, siyaasiyan qaabka hadda dagaalka loo galaayo waa ka duwan yahay qaabkii hore, ATMIS qaab ay u gasho dagaalka ayay leedahay, marka hadii aad wada hawlgalaysaan, qaabka dagaalka loo galaayo in laga heshiiyo, tirada ciidamada waa inay kaala xaajoodaan,” ayuu yiri Dr. Cabdi Cali Xassan.
Soomaaliya ma isku filan tahay?
Saraakiisha iyo aqoonyahanada dhanka hawlgallada dagaalka ee Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay inay toddobaadyo dhow soo geba-gabayso hawlgalka wajiga koowaad, islamarkaana ay horey ka billaabi doonto wajiga labaad ee hawlgallada, ee ku wajahan xorraynta deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, haddii ay taageero ka hesho dowladaha safka hore iyo haddii kaleba.
Jeneraal Cabdiraxmaan Tuuryare, taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Qaranka (NISA), ayaa qaba in taageerada dowladaha safka hore ay muhiim u tahay howlgalka wajiga labaad, balse Soomaaliya ay ka go’an tahay inay hawlgallada sii waddo.
“Waxaan is leeyahay, dowladahan deriska ah inaysan diyaar ahayn, dagaalka dabcan si waa u saamaynee oo xooggii la rabay oo degdegta ahaa in nimanka lagu wareejiyo oo afar gees ama saddex gees laga soo galo, xooggii waa kala dhantaalmayaa, laakiin waxaan is leeyahay Soomaalidu go’aankeeda illaa madaxweynaha illaa dowladda, haddii qeybtaan ka dhiman wajiga koowaad la soo dhameeyo, in wajiga labaad horay laga galayo, haddana hawlo ay sii billowdeen oo meesha ciidamo joogaan, oo aanan loo joogsanaynin haddii caawin la helo oo dowladaha deriska ah iyo hadaan la helinba, oo Soomaalidu ay ka go’an tahay, dowladda ay ka go’antahay, ciidamada iyo saraakiisha ay ka go’an tahay,” ayuu yiri Jeneraal Tuuryare.
“Dabcan wakhtigu waa iska dheeraan karaa, laakiin waxaan is leeyahay sannadkan inta uusan dhamaanin, labadaas gobol ee Koonfurta ah, gobol ka mid ah in laga xorreyn doono ayaan rajaynayaa, dowladaha deriska ahna wali lagama wada quusan, waxaa laga yaabaa inay farsamo u kala xiran yihiin, isku daruuf ma ahan iyaga naftoodu,” ayuu yiri sii raaciyey Jeneraal Tuuryare.
Si kastaba, doodda ku saabsan wejiga labaad ee dagaalka iyo ka qeyb-galka dalalka safka hore ayaa xoogeysan doonta, marka dowladda federaalka ku guuleysato soona afjarto wejiga koowaad, taasi oo weli aan dhicin, balse madaxweyne Xasan Sheekh uu darteed saldhig uga dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
Madal