Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan hawadeeda ka celisay ilaa labo diyaaradood oo ay sheegtay in aysan fasax u haysan in ay soo galaan hawada Soomaaliya. Diyaaradahaasi oo ka iman lahaa Ethiopia iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa ku sii jeeday magaalada Hargeysa.
Dalalka deriska la ah Soomaaliya ee loo yaqaan safka hore ayaa ballan-qaaday inay ka qeyb-galaan wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, islamarkaana ay Soomaaliya usoo dirayaan ciidamo ka madax-banaan ATMIS.