Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahin: Shirkii Madasha ee Maanta


Madasha wadatashiga
Madasha wadatashiga

Shirkan ayaa waxaa looga hadlayaa habraaca iyo meesha iminka Soomaaliya ay taagan tahay ay uga gudbi doonto 2016-ka iyo habka doorasho ee la qaadan doono.

Magaalada Muqdishu waxaa maanta ka furmay shirkii koowaad ee golaha lagu magacaabo Madasha Wadatashiga oo lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaadheen madaxda dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Madasha oo ay ku jiraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaaari, Ra’iisdul Wasaare Cumar Cabdirashiid, wasiiro iyo wakiillo ka socda Maamul Goboleedyada ayaa u xil saaran inay kasoo talo bixiso sida doorasho uga dhici karto Soomaaliya sannadka dambe marka ay dhammaadaan muddada afarta sano ah ee la doortay dawladda iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Furitaanka shirka ayaa waxaa hareeyey muran u dhaxeeyay qaar ka mid ah xubnaha ka qeyb galaya kullanka, taasi oo dhalisay in laba saac uu dib u dhaco furitaanka shirka.

Intii uu socday shirka, waxaa khudbado ka jeediyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Guuleed, madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas iyo guddoomiyaha baarlamanka Jawaari.

Waxaa warkan Muqdisho kasoo diray weriyaheena Jacfar Kuukaay.

Warbixin: Furitaanka Shirka Madasha
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:35 0:00

XS
SM
MD
LG