Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xisbiga Erdoğan Oo La Filayo Inuu Guuleysto


Recep Tayyip Erdoğan iyo xisbigiisa AKP, ayaa dadka kusoo jiidanaya hadallada ad adag ee waddaniyadda ku dhisan, weerarka afka ee ka dhanka ah reer galbeedka iyo howl-gallada la dagaalanka argagixisada.

Go’aanka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu doonayo inuu ku qabto doorasho deg deg ah, bilo un kadib markii cod bixiyayaasha ay xisbigiisa u diideen aqlabiyadda baarlamanka, ayaa u muuqda mid si dirqi ah ku guuleysan doona.

Xisbiga madaxweynaha ee Caddaaladda iyo Horumarka ee (AKP) ayaa u muuqda mid dib u helaya kalsoonida shacabka, ka hor doorashooyinka baarlamaaniga ah ee dhacaya bisha dambe.

Waxyaabaha ugu weyn ee xisbiga AKP uu kusoo jiidanayo shacabka ayaa waxaa ka mid ah; hadallada ad adag ee waddaniyadda ku dhisan, weerarka afka ee ka dhanka ah reer galbeedka iyo howl-gallada la dagaalanka argagixisada ee ka dhanka ah kooxda gooni u goosadka Kurdish-ka ah ee PKK.

Erdoğan waxa uu ballan qaaday inuu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah argagixisada illaa inta uusan xittaa hal argagixiye ka nooleyn, waxaana ka hadalkiisa ka dhanka ah Kurdish-ka uu rajeynayaa inuu usoo jiido codbixiyayaashii aan ka qeyb gali doorashadii tagtay, ama u codeeyey xisbiyo kale.

Mehmet Murat Pösteki, oo ah ra’yi uruuriye ku sugan Ankara, ayaa sheegay in codadka ra’yiga ah ay muujinayaan in xisbiga Erdoğan uu dib u helayo taageeradii uu ku lumiyey doorashadii June.

XS
SM
MD
LG