Maleeshiyada Al-Shabaab oo ka Baxay Garacad

Maleeshiyada Al-Shabaab

Maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah uga hadlay xaaladda Garacad ee iminka.

Wararka ka imanaya degaanka Garacad ayaa sheegaya inay halkaasi ka baxeen maleeshiyadii ururka Al-Shabaab ee shalay ku yimid doonyaha, kuwaasi oo haatan la sheegay inay dhinaca gudaha u galeen dhulka Puntland.

Illaa iyo hadda ma cadda ujeeddada maleehsiyadan Al-Shabaab oo la sheegay inay wataan hub culus.

Maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horraysay si rasmi ah uga hadlay arrintaasi.

Taliye ku-xigeenka labaad ee booliska gobolka Mudug ee Puntland Axmed Cismaan Cali oo VOA u sheegay inuu ku sugan yahaya Garacad, ayaa ku warramay in in ka badan 300 oo maleeshiyo Al-Shabaab ay soo galeen deegaanka.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa khadka Taleefonka ku warreysatay.

Your browser doesn’t support HTML5

Xaaladda Garacad