Barnaamijka Haweenka iyo Qoyska ee toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay sheekada laba gabdhood oo Soomaliyeed oo kala jooga laba dal oo sheekadoodu ay leedahay xiiso gaar ah.
Ruquyo Kuusow iyo Ifraah Sucdi Xasan waa laba gabdhood oo iyagoo haysta shaqo xirfadeed mushaar sare leh haddana ka door biday inay iyagu isu shaqeeyaan.
Ruquyo Kusow waxa ay ku nooshahay magaalada Columbus ee gobolka Ohio, waa kalkaaliso sare oo caafimaad oo la soo shaqeysay qaar ka mid ah cisbitaalada ku yaala maraykanka, haddase waxay ka shaqeysaa xafiis u adeega xarumaha dareyeelka dadka waaweyn iyo kuwa naafada ah oo ku yaala magaalada Colubus oo ay iyadu leedahay.
Ifrax Sucdi Xasan waa waxa ay daggan tahay magaalada Ottowa ee dalka Canada. Waxa ay sannad ka hor billowday ganacsiga nooca loo yaqaano online business oo ah mid badeecada lagu kala iibsado xagga internetka. Ifrah waxa ay sidoo kale muddo toddoba sano ah la shaqeysaa dowladda Canada.
Ka dhageyso qaybta hoose sheekooyinka Ruquyo Kuusow iyo Ifraax Sucdi oo xiiso gooni ah leh.
Your browser doesn’t support HTML5