Wareysi: Safiirka Soomaaliya ee Turkey oo ka hadlay xaaladda Macalimuu

Safiir Jaamac

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibrahim Mucalimuu oo maalintii Axadda lala beegsaday qarax ismiidaamin ah ayaa xalay la dhigay isbital ku yaalla Turkiga.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkey Jaamac Caydiid oo la hadlay VOA ayaa sheegay in afhayeenka la dhigay Isbitalka weyn ee dowladda, isagoo sheegay in xaaladdiisu ay tahay mid daggan.

Caasho Ibrahim Aden oo la xiriirtay safiirka ayaa weydiisay goorta uu Macalimuu soo gaaray isbitalka la dhigay, iyo guud ahaan xaaladdiisa caafimaad sida ay tahay hadda.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso xaaladda Macallimuu