WASHINGTON—Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa qorshaynaya inuu fasaxo in illaa 15 milyan oo foosto oo shidaala, in laga soo saaro goobaha kaydka ee Shidaalka Maraykanka taas oo uu doonayo inuu kaga jawaabo tallaabadii uu qaaday ururka ay ku bahoobeen dalalka soo saara shidaalka ee OPEC+, kuwaas oo go’aansaday in marka la gaadho bisha November inay hoos u dhigaan waxsoosaarkooda.
Madaxweyne Biden ayaa sheegay inay sidoo kale jiraan, tallaabooyin lagu kordhinayo, shidaalka uu Maraykanku iibgeeyo, marka la gaadho xilliga Jiilaalka.
Maamulka Biden ayaa haatan isku dayaya inuu xakameeyo sicirka shidaalka ka hor inta aan la gaadhin, doorashooyinka xilliga dhexe ee la filayo inay Maraykanka ka dhacaan bisha November ee innagu soo aaddan.
Masuuliyiin magacooda qariyey ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP, in madaxweyne Biden uu goordambe oo Arbacada ah la hadlayo shacabka, si uu faahfaahin uga bixiyo habka loo marayo soo saarista shidaalka dheeriga ah ee ku jira goobaha kaydka ah ee Maraykanka.
SEE ALSO: OPEC+ oo dhimaysa illaa 2 milyan oo foosto maalintii, shidaalka ay soo saaraanBishan October, kulan ay yeesheen dalalka ku bahoobay OPEC+ oo ay hormuud u yihiin Sucuudiga iyo Ruushku ayaa ku heshiiyey in illaa 2 milyan oo foosto maalintii in hoos loo dhigo shidaalka ay soo saaraan dalalkani marka la gaadho bisha November. Tallaabadaas ayuu aad uga cadhooday dalka Maraykanku, waxaana ay saamayn ku yeelatay xidhiidhka labada dal ee Sucuudiga iyo Maraykanka.
Maraykanka ayaa ku eedeeyey ururka OPEC+ inay u janjeedhsadeed dhinaca Ruushka, isla markaana uu go'aankoodu ku salaysan yahay arrimo siyaasadeed iyo inuu u faa'iideeyo dalka Ruushka.
SEE ALSO: Carada ka dhanka ah Sacuudiga oo kusii kordheysa mas'uuliyiinta MareykankaQaybo ka mida macluumaadkan waxaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP