MUQDISHO - Waxaa haatan si toosa u bilaabantay doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya, halkaas oo uu shirka golaha uu furay guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cabdisalaan Liibaan Dhabancad.
Kulanka lagu dooranayo shirguddoonka golaha ayaa si habsami ah u socda, waxaa ugu horrayn la ansixiyey ajandaha kulanka iyo habka codayntu u dhacayso.
Guddoomiyaha KMG ayaa sheegay in shirka ay fadhiyaan 257 xildhibaan oo ay ku jiraan 17 xildhibaan oo aan codaynaynin.
Wixii warara ee ka soo kordha kala soco bogga VOA