Guddoomiyaha guddida doorashooyinka ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi iyo mas’uuliyiin kale oo hawl wacyigelin ah oo la xidhiidha diiwaan gelinta doorashooyinka Somaliland, ayaa la afduubtay.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo wareysi siiyey VOA-da ayaa xaqiijiyey in tirada dadka la afduubtay ay gaarayaan toddoba xubnood, welina 6 ka mid ah lagu haysto deegaanka Badhan.
Sida uu sheegay Axmed Cabdi Falay, qof ka mid ahaa dadka la duubtay oo ah xildhibaanad lagu magacaabo Qamar Taleex ayaa lasoo daayey.
Guddoomiyaha gobolka Sanaad waxa uu sheegay in iminka ay socota waan waan la xiriirta sidii dadkaas loo sii deyn lahaa, uuna rajeynayo in maanta lasoo daayo, ugu dambeyn.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay ayaa dhinaca kale sheegay in illaa iyo hadda uusan qorshaha ugu jirin inay tallaabo milatari u adeegsadaan sii deyntaa dadkaas, ayna doonayaan in arrinta lagu dhammeeyo wada-hadal.
Guddoomiyaha, ayaa u waramay Weriyaha VOA Barkhad Kaariye.
Your browser doesn’t support HTML5