Maamulka waqooyi-galbeed ee Pakistan ayaa Axaddii xaqiijiyay inay xireen Injineer Shiinees ah oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay diinta Islaamka.
Tallaabadan ayaa soo afjartay habeen dibadbaxyo ah, oo ay dhigayeen dad careysan oo lagu dalbanayay in tallaabo sharci ah laga qaado qofka ajnabiga ah.
Booliisku waxay magacaabeen "Mr. Tian," oo ah madaxa gaadiidka culus ee shirkadda China Gezhouba Group ee dhisaysa mashruuca tamarta ee Dasu, oo qiyaastii 350 km waqooyi ka xigta caasimadda Pakistan ee Islamabad.
Dhibaatadu waxay dhacday Sabtidii markii horjoogaha u dhashay Shiinaha uu isku dayay inuu riixo shaqaalihiisa u dhashay dalka Pakistan, iyagoo si wadajir ah salaadda casar ugu tukanayay goobta shaqada, si ay u dedejiyaan xawaaraha shaqada.
“Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku hadlay hadallo deelqaaf ah oo uu ku bahdilayo Allaah iyo Nabi Muxamed NNKH,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah cabashada booliska ee rasmiga ah oo ay VOA heshay.
Booliisku waxay sheegeen in falka cayda ah ee lagu eedeeyay uu ka caraysiiyay shaqaalaha gudaha, taasi oo keentay mudaaharaadyo caraysan oo fiidnimadii Axadda ka dhacay guud ahaan degmada Kohistan, ee ay ka socoto howsha mashruuca laga dhisayo, iyada oo kumannaan dibad-baxayaal ah ay xireen waddada weyn ee isku xirta Pakistan iyo Shiinaha.