Sh. Shariif: Macluul ayaa ka jirta Somalia

  • VOA Somali

Sh. Shariif: Macluul ayaa ka jirta Somalia

Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ayaa ku dhawaaqay in macluul ka jirto Somalia, isagoo ku baaqay gar-gaar caalami ah la keeno Somalia.

Madaxweynaha Somalia, Sharif Sheekh Axmed ayaa ku dhawaaqay in macluul ay ka jirto Somalia, wuxuuna ku baaqay in gar-gaar deg-deg ah lala soo gaadhsiiyo Somalia

Hadalkan ayuu ka sheegay booqasho ku tagay xeryaha ay dadka barakacayaashu ku sugan yihiin ee magaalada Muqdisho. Madaxweyne Shariif, wuxuu qalalaasha cuntada la xiriirayay qaxa balaadhan ee dadka gaajaysan ee Soomaalida ah ee u qaxayaan dalalka Somalia dariska la ah ee Kenya iyo Ethiopa.

Dhinaca kale, warbaahinta aya tabinaysa in Qamarada Midoobay ay ku dhawaaqi doonto maalinta Arbaca ah in macluul ay ka jirto laba gobol oo ka tirsan Somalia. Warbaahinta oo soo xiganaysa illo aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in labadan gobo lee lagu dhawaaqi doono inay macluul ka jirto ay ku jiraan gobolka Bakool iyo Shabeellada Hoose.

Hay'adda UNHCR ayaa sheegtay inay uga baahan tahay kooxaha Al-Shabaab ee Somalia balanqaad amni oo dheeraad si ay u bixiyaan gar-gaarka baaxadda leh ee dalka Somalia looga baahan yahay.