Somalia Oo Ka Qeyb Galaysa Shirka Islamka

Xubnaha Soomaaliya uga qeyb galaya shirka ayaa sheegay inay shirka la tageen qorsheyaal ay ka mid yihiin in dalalka Islamaka ay maal gashtaan Soomaaliya.

Shir looga hadlayo xaaladaha bulsho iyo shaqaale ee dalalka Islaamka ayaa ka soconaya magaalada Jakarta ee dalka Indonesia, waxaana ka qeyb galaya dhowr iyo konton dal oo Islaam ah.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiraadda looga saarayaa xaaladaha iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee haysta shaqaalaha dalalka Islaamka.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada dowlada federaalka Cabdiwali Ibraahim Sheekh Muudey, ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb-galaya shirkaas.

Wareysi uu siiyey VOA-da ayaa wasiirka waxa uu ku sheegay inay shirka la tageen qorsheyaal ay ka mid yihiin in dalalka Islamaka ay maal gashtaan Soomaaliya, taasi oo uu sheegay inay shqooyin badan u abuuri karto dadka Soomaaliyeed.

Falastiin Axmed Iiman ayaa wasiirka ka wareysatey shirkan.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wareysiga wasiirka shaqada