Kremlin-ka ayaa Isniinta maanta ah uga digay Maraykanka “cawaaqib” waxayna u yeertay safiirkeeda, maalin kadib markii Moscow ay sheegtay in weerar ay Ukraine u adeegsatay gantaal Mareykanka uu sameeyey uu afar qof ku dilay Crimea.
Kooxda Xizbullah ee Lubnaan ayaa sheegtay Axadda maanta ah in diyaarad hubaysan oo aan duuliye la socon ay ku beegsatay goob ciidan oo ku taal waqooyiga Israa’iil, taasi oo jawaab u ahayd dilka taliye Islaami ah.
Dowladda Cuba ayaa ugu gacan sayrtay in aysan ku filneyn bayaan ay Mareykaanka dhowaan ka soo saareen xaaladda laba dhaqtar oo Cuban ah oo kooxaha Jihaadiyiinta Soomaaliya ay ka soo afduubteen Kenya shan sano ka hor.
Wasiirka maaliyadda Kenya ayaa lagu wadaa in uu Khamiista soo bandhigo miisaaniyaddii ugu ballaarneyd abid, oo uu la socdo sharci muran badan dhaliyey oo ay ku jiraan canshuur kordhino cusub.
Kooxda Xizbullah ee ka dagaalanta dalka Lubnaan ayaa gantaalo is xigxigay ku garaacday waqooyiga Israa’iil Arbacada, ka dib markii Israa’iil ay duqeyn cirka ah ku dishay taliye sare oo ka tirsan oo ku sugnaa koonfurta Lubnaan maalin ka hor.
Militariga Israa’iil ayaa Khamiista maanta ah sheegay in askari lagu dilay weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la socon ee kooxda Xizbullah ee ay Iiraan taageerto, taasi oo ah khasaarihii ugu dambeeyay ee isku dhacyo bilihii dhowaa ka socday xuduudda.
Hay'adda Amnesty International ayaa Arbacadii sheegtay in xukunnada dilka ah ee adduunka oo dhan ay sare u kaceen sanadka 2023-kii, isla markaana oo ay gaarayaan tiradii ugu badneyd muddo ku dhow toban sano ah, iyadoo sare u kac weyn uu ka jiro dalalka Bariga Dhexe.
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Arbacadii ugu baaqay "Dunida Islaamka" inay qaadaan tallaabo mideysan, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee Israel ay ka fulisay Gaza.
Dagaalka ay Israa’iil ku qaaday Qaza tan iyo weerarkii 7-dii October ayaa dib usoo nooleeyay dadaalka caalamiga ah ee lagu doonayo in Falastiiniyiinta la siiyo dowlad ay iyagu leeyihiin.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israel Katz ayaa Jimcihii sheegay in uu go’aansaday in uu “jaro xiriirka” ka dhexeeya ergada diblomaasiyadeed ee Spain iyo Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed ee la haysto, sababo la xiriira aqoonsiga Madrid ee Dowladda Falastiin.
Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay "mid aan la rabin" iyo "talo-xumo".
Lix qof ayaa lagu dilay weerar uu nin hubeysan ku qaaday Masjid ku yaalla galbeedka Afghanistan, waxaa sidaas Talaadada maanta ah sheegay afhayeen u hadlay dowladda.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Mahathir Mohamad, oo ku dhowaad 100 sano jir ah, ayaa lagu billaabay baaritaan musuq-maasuq oo ay ku lug leeyihiin labadiisa wiil, waxaa sidaas maanta sheegay guddiga la-dagaalanka musuq-maasuqa ee dalka.
Hay’adaha xuquuqul insaanka ee Kenya iyo kuwa caalamiga ah ayaa warbixin ay soo saareen maanta oo Arbaco ah ku sheegay in 118 qof ay dhibanayaal u yihiin dilal sharci darro ah oo ay geysteen booliiska Kenya sannadkii hore, iyagoo cambaareeyay waxa ay ugu yeereen "isla xisaabtan la'aanta"
Qatar ayaa maanta sheegtay in hoggaanka siyaasadeed ee Xamas ay ku sii nagaan doonaan Doha inta joogitaankoodu uu faa’iido u leeyahay dadaallada dhex-dhexaadinta ee looga dan leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza.
Gantaallo laga soo tuuray Woqooyiga Ciraaq ayaa habeenkii Axadda lagu weeraray saldhig ay Suuriya ku leeyihiin isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo, sida ay ku warrameen ciidamada amniga Ciraaq.
Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta booqasho naadir ah ku tegay dalka ay deriska yihiin ee Ciraaq, ayada oo biyaha, shidaalka iyo amniga gobolka ay yihiin ajendayaasha ugu weyn.
Hoggaamiye sare oo ka tirsan mucaaradka Itoobiya kana soo jeeda gobolka Oromia ayaa meydkiisa la helay Arbacadii, isaga oo la toogtay, saacado kadib markii ay xireen ciidamada dowladda, waxaa sidaas sheegay xisbigiisa.
Hogaamiyaha sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacada mar kale uga digay Israel in “lagu ciqaabi doono” weerarkii cirka ee Dimishiq ee lagu dilay 7 ka tirsan Ilaalada Kacaanka, oo laba ka mid ah ay ahaayeen jeneraalo.
Turkey ayaa sheegtay inay xayiraado ganacsi ku soo rogi doonto Israel laga billaabo Talaadada maanta ah, sababo la xiriira dagaalka Gaza.
Kuwo kale