Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray magaalada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa ballanqaaday in Maxaas ay noqon doonto meelaha ugu horeya ee mashaaricda hormarinta laga hirgaliyo.
Itoobiya ayaa sheegtay inay billowday inay koronto u dhoofiso Kenya, sida uu dhigayo heshiis 25 sano ah oo u dhexeeya labada dal ee deriska ah ee Bariga Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kor-meer ugu ambabaxay deegaannada ay ka socdaan howlallada ka dhan ka ah maleeshiyada Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.
Hay’adda Bill & Melinda Gates Foundation ayaa sheegtay inay 7 bilyan oo dollar ugu yaboohayso Afrika afarta sano ee soo socota, iyadoo Bill Gates uu ka digay in qalalaasaha Ukraine uu hoos u dhigayo xaddiga mucaawinada soo gaari jirtay qaaradda Afrika.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii u codeeyay in cunaqabateynta hubka ay sii saarnaato Soomaaliya, taas oo ay si weyn uga soo horjeesatay dowaldda Soomaaliya, iyada oo sheegtay in Al-Shabaab ay tahay koox argagaxiso ah oo weli si dhab ah u carqaladeyneysa nabadda iyo xasilloonida.
Ugu yaraan 21 qof ayaa ku dhintay dab ka kacay waqooyiga Marinka Gaza, sida ay xaqiijiyeen hoggaamiyayaasha Xamaas, waxaana shilalkan uu noqonaya mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee sanadihii la soo dhaafay ka baxsan baaxadda rabshadaha ka dhashay iskahorimaadka Israel iyo Falastiin.
Baarlamaanka Sweden ayaa Arbacadii meel mariyay wax ka bedelka dastuurka dalkaas, kaas oo suurta-gelinaya in la meel mariyo sharciyo adag oo ka dhan ah argagixisada, taas oo ah dalab muhiim ah oo ka yimid Turkiga si loo ansixiyo xubinnimada Stockholm ee isbaheysiga NATO.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Congress-ka Maraykanka Arbacadii, taas oo dejinaysa laba sano oo dowladda Mareykanka ay kala qaybsanaan doonto, iyada oo xisbiga Dimuqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden uu gacanta ku hayo aqalka Senetka.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ku canaantay Ra'iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau shir madaxeedka G-20 Arbacadii, isagoo ku eedeeyay inuu siidaayay tafaasiil ku saabsan wadahadal ay hore u yeesheen, kaas oo Trudeau uu walaac ka muujiyay faragelinta Shiinaha ee arrimaha gudaha Canada.
Dadka adduunka ayaa Talaadadii gaaray 8 bilyan oo qof, sida laga soo xigtay saadaasha Qaramada Midoobay, iyadoo kobaca dadka intiisa badan uu ka yimid waddamada soo koraya ee Afrika.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaaray hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga Tigray.
Labada xisbi ee mucaaradka ah ee Somaliland ayaa sheegay inaysan maanta laga bilaabo u aqoonsanayn madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumaddisa inay sharciyad ku fadhiyaan.
Qarax xooggan ayaa laga maqlay maanta oo Axad ah goob mashquul badan oo ku taalla bartamaha magaalada Istanbul, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga, waxaana la sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen.
Xisbiga Madaxweynaha Mareykanka ee Dimuqraadiga ayaa sii haysan doona maamulka Aqalka Sare ee Senate-ka ee, kadib doorshada xilliga dhexe oo ay kasoo baxday natiijo meesha ka saartay saadaashii aheyn in xisbiga Jamhuurigu uu la wareegi doono labada aqal ee Koongareeska.
Dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega ayaa Sabtidii kala saxiixday heshiis dejinaya qorshaha hir-gelinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku gaareen waddanka Koonfur Afrika bishan.
Taliska Mareykanka ee Africa ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-shaabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.
Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweyne Joe Biden aysan u qorsheysneyn inuu la kulmo dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga marka uu furmo shirka dalalka warshadaha ku horumaray ee G20, kaas oo ka dhacaya waddanka Indoesia.
Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa Jimcihii sheegtay inay ka mamnuucday 200 oo qof oo Maraykan ah inay soo galaan Ruushka, kuwaas oo ay ku jiraan saddex la dhalatay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in militariga Soomaaliya uu 12 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ku dilay deegaanka Burdaar ee gobolka Hiiraan, kadib weerar ay halkaas ku qaadeen aroorti hore ee saaka.
Dowladda Qatar ay oggolaatay in duulimaadyo toos ah gaar ah uga imaan karaan Israel, kuwaas oo u furnaan doona taageerayaasha Israel iyo Falastiiniyiinta oo u imaanaya Koobka Adduunka, sida ayuu sheegay xiriirka K/cagta Adduunka ee FIFA Khamiistii.
Kuwo kale