Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa ballanqaaday in baaritaan lagu sameyn doono ciyaaryahan ku tartamayay magaca Soomaaliya uu u muuqday mid aan diyaar u aheyn tartanka ay ka qeybgashay.
Wasiirka Dastuurka iyo Caddalaadda dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin oo saaka booqasho ku tagay Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa maxaabiiska u ballan-qaaday inay heli doonaan caddaalaad degdeg.
Diyaarado ayaa saakay aroortii duqeeyay fariisin kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Labi Aw-Xassan oo u dhaxeeya Hilowle Gaab iyo Ceel Bacad oo hoos taga degmada Ruun Nirgood.
Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee maleeshiyada Daacish ee Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay maanta dileen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgallo cirka iyo dhulka ah ka fuliyeen deegaannada Gal Libaax iyo Ceel Qurac ee bartamaha Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa sheegatay dilka in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, kadib hawlgal ay ciidamada xoogga dalku ka fuliyeen deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.
Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa diidday inay ka qeybgasho hadal-jeedinta madaxweynaha Israa'iil Isaac Herzog oo lagu wado inuu Arbacada soo socota khudbad ka jeediyo fadhiga wadajirka ah ee Congress-ka Mareykanka.
Madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay shir-guddoomiyay 'kulan wadatashi'a ahaa oo ay iskugu yimaadeen qaar ka mid madaxdii hore ee Soomaaliya, kaas oo ay sheegeen inay kaga hadleen shirka saaka ka furmay Muqdisho.
Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Jubland ayaa sheegay in ciidamada dawladda federaalka oo kaashanaya kuwa maamulka ay maanta qabsadeen degmada Xagar ee gobolka Jubbada Hoose.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab lagu dilay howlgal ay deegaanno hoostaga degmada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose ka sameeyeen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubaland oo kaashanaya saaxiibada caalamka, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Fedeeraalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay 'guddi gaar ah oo kasoo talabixinaya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran oo ay Xukuumadu usoo gudbisay Golaha Shacabka.'
Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu qabtay xuska sannad-guurada 63-aad oo ku aaddan markii ay gobollada Koonfureed xorriyadda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur ee Soomaaliya ee Kowdii July 1960-kii, markaas oo ay dhalatay Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd J. Austin ayaa Arbacadii xarunta Pentagon-ka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo 'ku ammaanay hoggaamiyaha Soomaaliya horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah.'
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay deegaanka Beerta Faay Yuusuf oo u dhow tuulada Yimbis ee gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen inka badan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.
Madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay soo gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka.
Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin colaadda magaalada Garoowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah, sida lagu shegay war-saxaafadeed ay soo saareen goor dambe oo xalay ah.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ahaa nin ka dhex muuqday dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al-shabaab ayaa xilka laga qaaday, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle, kaas oo uu ku saxiixnaa madaxweynee Cali Guudlaawe.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay shan qof oo kale oo lagu eedeeyay “basaasiin”, waxaana xukunkan uu ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose Khamiistii shalay, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab
Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 5 milyan oo doollar ciddii keenta xog ku saabsan Cabdullaahi Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Injineer Ismaaciil oo ah khabiir sare oo Al-shabaab u sameeya qaraxyada.
Xeer-ilaaliyaha Mareykanka Andrew M. Luger ayaa Talaadadii shalay aheyd sheegay in Cabdulqaadir Cawaale oo ka mid ah eedeysaneyaasha kiiskii la xiriiray 'musuq-maasuqa' barnaamijkii nafaqeynta carruurta uu qirtay dambigii lagu soo eedeeyay.
Kuwo kale