Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal ay ka sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada caalamka Tuulada Buula Maxamed Cabdalla hoos tagta degmada Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha Hoose ay ku dileen 19 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.
Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkii maleeshiyada Al-shabaab ay xalay ku qaadday makhaayadda Pearl ee xeebta Liida ay ku dhinteen sagaal qof oo lix ka mid ah ay ahaayeen rayid iyo saddex ciidamada ammaanka ah.
Inka badan 20 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay 'hawlgal qorsheysnaa' oo ka dhacay deegaanka Beledul Amiin ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu xaqiijiyay wasiirka warfaafinta dowladda federaalka.
Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in 54 ka tirsan ciidamada Uganda lagu dilay weerarkii al-Shabaab ay ku qaadday saldhigii ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ATMIS ee ku yaalla magaalada Buulo Mareer 26-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee xarunta waddanka Turkey, halkaas oo uu kaga qeybgalayo maleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Turkey Recep Erdogan.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.
Hay'adda NISA ee Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.
Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si adag u cambaareysay weerarradii shalay lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, saldhiggooda magaalada Buulo Mareer.
Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa awoodda diidmada qayaxan ku diiday inuu sharci ka dhigo xeer ay soo meel mariyeen Labada Aqal ee gobolka, kaas oo difaacayay xuquuqda darawallada gaadiidka dadweynaha ee Uber iyo Lyft.
Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo 'ayaa shacabka iyo maamulka Puntland ku ammaanay hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka' sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Ciidamada Hay'adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay 'saanad ciidan oo loo waday Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka iyo dekedda Muqdisho, sida uu sheegay wasiiru dowlaha Amniga Maxamed Cali Xagaa.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqsho ku joogaa magaalada Dooxa ee waddanka Qadar ayaa la kulmay Amiirka dadkaasi Tamim bin Hamad Al Thani.
Qarax lagu xiray gaari noociisu ahaa Surf oo uu lahaa qof muwaadi caadi ah ayaa ka dhacay agagaarka Muqdisho Mall ee magaalada Muqdisho, iyada oo aysan jirin cid waxyeello kasoo gaartay, sida uu sheegay Boolisku.
Warbaahinta rasmiga ah ee dawladda ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya ay dalka ka cayrisay labada qof oo u kala dhashay Poland iyo Jarmalka.
Madaxweyne Kenaya William Ruto oo is-bedello ku sameynaya hay'daha dowladda ayaa maanta u magacaabay Noordin Haji inuu noqdo agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NIS, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in natiijada wareeggii hore ee doorashada Turkiga ay u muujineyso inuu ku guuleysan karo wareegga ugu dambeeya ee loo ballansan yahay 28-ka bishan, sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.
Madaxweynaha dowladda Federaalkaa Xasan SHeekh Maxamuud ayaa taageeray habraaca la-dagallanka musuqmaasuqa, kaas oo kasoo baxay kulankii golaha wasiiradda, isaga oo amray in la hilgeliyo.
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku dhigtay jaakadaha qaraxyada iyo bajaaj lagu fulin lahaa weerarkaas.
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen ugu yaraan 40 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab, kuwaas oo ay ku jireen xubno ajnabi ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay madaxa hay'adda cunnada Adduunka ee WFP, Cindy McCain oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho, waxayna ka wadahadleen horumarinta cunnada Soomaaliya.
Kuwo kale