Cabdiraxmaan Ciise Kaahin oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida ee gobolka Minnesota ayaa ku guuleysto abaal-marinta ganacsadaha sannadka ee Maryakanka, abaalmarintaas oo ay bixiso waaxda ganacsiga yar-yar ee dowladda Mareykanka.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan su'aalo lagu weydiiyay ku qabtay magaalada Muqdisho, kaas oo uu uga hadlay qodobo dhowr ah oo la xiriiray waxa u qabsoomay dowladdiisa sannadkii lasoo dhaafay.
Madaxda waddamada ciidamada usoo diray Soomaaliya ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tixgeliyo in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka si waddanku uu awood ugu helo qaadista mas’uuliyaddiisa amni.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelle oo ka qeyb galaya shir-madaxeedka dalalka ay ciidamadoodu ku jiraan hawlgalka ATMIS ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay 'horumar la taanan karo' ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Kampala ee waddanka Uganda, halkaas oo uu ka furmayo shir-madaxeedka dalalka ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan howlgalka midowga Africa ee ATMIS, halkaas oo uu kusoo bandhigi doono go'aanka dowladda ee amniga dalka.
Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay si wadajir ah Khamiistii u fuliyeen iyaga iyo saaxiibada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen ugu yaraan 20 ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ardayda Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka Sudan ay u daadgureysay dalka Itoobiya, sida uu VOA u xaqiijiyay danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxmed Diinaari oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Ugu yaraan saddex ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab ayaa ku dhintay qarax ka dhacay degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii 'mooto ay qarax ku wadeen ay la qaraxday' sida ay qortay warbaahinta dowladdu.
Sida ay qortay warbaahinta dowladda federaalka, waxaa maanta gobolka Hiiraan ee maamul goboleedka Hirshabeelle ka bilowday wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah maleeshiyad Al-shabaab, iyada oo ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay la wareegeen deegaanno horleh.
Madaxa ATMIS, ahna Ergeyga Gaarka ee Midowga Africa ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo ka hadlay shir jaraa'id oo si wadajir ay u qabteen isaga iyo wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in saaxiibada caalamku garawsaday in la joogo xilligii cunaqabteynta hubka laga qaadi lahaa Soomaaliya
Mareykanka ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay rabshadaha ka socda Laascaanood, isaga oo ka digaya in colaadda sii socota ay kordhin doonto suurtagalnimada in kooxaha xagjirka ahi ay abuuraan xasillooni darro ballaaran oo uga sii dari doontaa dhibaatooyinka bani'aadamnimo ee taagan.
Cabdi Xasan Hulbaale oo ahaa madaxii Al-shabaab ee tuulada Maaya Faarax ee degmada Qoryooley ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda Federaalka, sida ay qortay warbaahinta dowladda.
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa khudbad uu xalay jeediyay ku sheegay in wejiga koowaad ee howgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ay ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada dadka deegaanka ay dileen 3,000 oo Al-shabaab ah.
Guddiga garsoorayaasha ayaa madaxda horyaalka Premier League iyo xiriirka kubbadda cagta Ingriiska u gudbiyay in garsooreyaashu si ku meel gaar ah ay u joojin doonaan ciyaarta, si ciyaartoyda sooman ay u afuraan inata lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, sida uu sheegay Sky Sports Talaadadii.
Itoobiya ayaa Talaadadii diiday hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo ahaa in ciidamadeeda oo ay wehliyaan dhammaan dhinacyadii ka qeybgalay colaaddii dhawaan lasoo afjray ee waqooyiga gobolka Tigray ay galeen dambiyo dagaal, waxayna ku tilmaantay "mid kicin colaadeed' ah.
Maleeshiyada Al-shabaab ayaa farriin cod ah oo ay soo saareen ku sheegay in ninkii isku qarxiyay saldhigga militariga Soomaaliya ee deegaanka Janaay Cabdalle ee duleedka magaalada Kismaayo toddobadii bishan Maarso uu u dhashay waddanka Burundi.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tagay magaalada Mariupol, sida ay wariyeen warbaahinta dalkaasi Axadda maanta ah, waana markii u horreysay ee uu booqdo magaaladan ay ciidankiisu qabsadeen kadib muddo dheer go’doomiyeen bilowgii weerarka Moscow ee Ukraine.
Masar ayaa Axadda maanta ah mas'uuliyiin Israa'iil iyo Falastiiniyiin ah ku martigelinaysa magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh, dadaallada Mareykanka iyo Jordan ay taageerayaan oo lagu doonayo in lagu qaboojinayo rabshadaha ba'an ee ka socda Daanta Galbeed.
Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa sameeyay guddi hoggaamin doona xisbigiisa haddii la xiro, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay saacado ka hor inta aan la horgeyn maxkamad soo saartay amar lagu soo xirayo.
Allaha ha u naxariistee, waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey, sida u shaaciyay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Kuwo kale