Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ayaa sabtida maanta ah u safri doona magaalada Qaahira, safarkaas oo muujinaya inuu iftiimayo cilaaqaadka u dhexeeya labada dal toban sano kadib markii xiriirka diblumaasiyadeed uu jaray afgambigii madaxweynihii Masar Maxamed Mursi oo xulufo la ahaa Ankara.
Wiilka uu dhalay hogaamiyaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay inuu doonayo inuu u tartamo madaxtinimada dalka Uganda sanadka 2026-ka, waana markii ugu horeysay ee uu sheego xilliga uu bedelayo aabihi oo muddo 37 sano ah xukumayay dalka ku yaalla bariga Afrika.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay saddex nin oo hore loogu helay dambiyo ay ka mid ahaayeen 'dilal iyo falal argagiso' kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Dr. Fanax iyo Dhammee Shariif Jeego.
Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay ay Talaadadii Badda Madow ku buburisay mid ka mid ah diyaaradahooda wax basaasa ee nooca drones-ka,, waana markii ugu horreysay oo ay si toos ah u iskaga horyimaadaan labada quwadood tan iyo duullaanka Ruushkaha ee Ukraine
Erling Haaland ayaa noqday ciyaaryahankii seddexaad ee taariikhda koobka horyaallada Yurub ee Champions League shan gool ka dhaliya hal kulan, isagoo Manchester City ku hoggaamiyay inay 7-0 ku xasuuqdo RB Leipzig lugtii labaad ee wareegga 16-ka Talaadadii.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka toogatay rag ka tirsanaa ciidamada booliska, kuwaas oo hore loogu xukumay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay dambiyo dilal ahaa oo ay hore u geysteen, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa Sabtidii si kulul u dhaliilay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump doorkii uu ku lahaa rabshadihii 6-dii Janaayo ka dhacay Aqalka Mareykanka ee Capitol-ka, taasoo sii ballaarisay khilaafka u dhaxeeya labadooda.
Shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ayaa sheegtay maanta inay diiwaan-gelisay faa'iido dhan $161.1 bilyan sannadkii hore, taas oo muujinaysa sida qiimaha saliidda ee kor u kacay kadib duullaankii Ruushka ee Ukraine uu kiciyay kobaca dhaqaalaha ugu sarreeya ee dhoofinta shidaalka adduunka.
Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa u safri doona dalka Itoobiya toddobaadka soo socda, xilli walaac laga qabo dhaqan-gelinta heshiiskii nabadeed ee ka dhashay colaadda gobolka Tigray oo ay ku dhinteen tobannaan kun oo qof, boqollaal kun oo kalena ay ku barakaceen.
Kooxda Jarmalka ee Bayern Munich ayaa xaqiijisay booskooda wareegga siddeedda ee koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions League, kadib markii ay xalay 2-0 ku dhifteen kooxda PSG ee wadata xiddigaha Lionel Messi iyo Kylian Mbappe.
Sida ay qortay warbaahinta dowladda, maxkamadda ciidamada Puntland ayaa dil toogasho ah ku fulisay 19 qof oo 13 ka mid ah ay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish, halka kuwa kalena ay ahaayeen askar ka tirsaneyd ciidamada Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa saaxiixay sharci u oggolaanaya muhaajiriinta ay Soomaalidu ku jirto ee aan heysan deganaashaha ama sharciga Mareykanka inay qaadan kaaraan shatiga darawalnimada.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Qadar uga qeybgalaya shirka Qaramada Midoobay ee dalalka ugu hooseeya caalamka - dhinaca horumarka ayaa la kulmay Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad.
Ku dhawaad 300 oo qof ayaa Sabtidii laga qaaday dalka Tunisia iyagoo dib loogu celiyey Mali iyo Ivory Coast kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan rabshado muhaajiriinta ka dhan tan iyo markii uu madaxwaynuhu bilaabay dhaqdhaqaaq ka dhan ah muhaajiriinta.
Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay kaalmo cusub oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, taasoo dhan $400 milyan, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.
Ugu yaraan 210 qof ayaa ku dhintay iska horimaad socday muddo 24 maalmood ah oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo dadka deegaanka sida uu shir jaraa'id ku sheegay duqa magaalada Laascaanood Cabdiraxiim Cali Ismaaciil.
Cabdalla Axmed Muumin, xoghayaha ururka suxufyiinta ee SJS oo bishii hore xabsiga laga sii daayay kadib markii loo xiray arrimo amni ayaa mar kale xabsiga loo taxaabay, waxaana xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu sheegay in sii deyntiisa ay aheyd sharci darro.
Kooxda Arsenal ayaa shan dhibcood ku horkaceysa horyaalka Premier League, kadib markii ay 4-0 ku sagootisay kooxda Everton ciyaar xalay ka dhacday garoonka Emirate ee kooxda Arsenal ee magaalada London.
Musharaxa xisbiga talada haya ee Nigeria, Bola Tinubu, ayaa loo doortay madaxweynaha dalka ugu dadka badan Afrika saacadihii hore maatan oo Arbac ah kadib doorasho Sabtidii iyo Axaddii dhacday oo ay la loollameen xisbiyada mucaaradka ah.
Kuwo kale