Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula hadlay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Dowladda Soomaalya ayaa shaaca ka qaaday in 54 qof laga helay cudurka 24-kii saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo dhammaantood ku sugan gobolka Banaadir.
Askari ka tirsan ciidamada AMISOM una dhashay dalka Uganda oo ku sugan Soomaaliya aaa la sheegay in laga helay xanuunka COVID-19.
Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay kiisas cusub oo ah cudurka Coronavirus oo laga helay waddanka 24-kii saac ee lasoo dhaafay.
Ugu yaraan lix qof ayaa dhimatay, ila 10 kalena waa la la'yahay, kadib roobab laxaad leh oo sababay fatahaad oo ku dhuftay degaanka magaalada Qardho.
Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay weerar maanta ka dhacay deegaanka Hareeri Caadle oo u dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qofkii ugu horreeyey uu Soomaaliya u dhintay cudurka Coronavirus. Warkan waxaa xaqiijisay wasiirka caafimaafka Foosiya Abiikar Nuur.
Wararka ka imaanaya Gobalka Shabellaha dhexe ayaa sheegaya in qarax xoog leh lala beegsaday Ciidanka Amisom gaar ahaan qeybta Burundi meel u dhow degaanka Gololey xili ay ku jireen socod ilaalo ah.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan Abriil ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay Yuusuf Jiis oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.
Dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.
Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in saddex duqaymood oo cusub oo lala beegsaday ururka Al-Shabab ay ka fulisay Soomaaliya, taasi oo lagu dilay 8 xubnood oo kooxdan ka tirsan.
Wararka ka imanaya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in shaqada laga cayriyey madaxii amniga ee gobolka Cabdicaadil Xasan Cabdi, halka la xiray madaxii hab-maamuuska ee madaxtooyada maamulka Cabdulqaadir Sheekh Axmed Bisle.
Wararka ka imanaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya inay rasaas is weydaarsadeen ciidamada Kenya iyo maleeshiyaad Itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Mooyaale.
Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka cisbitaalka Xoogga ay ku dhinteen saddex qof, oo laba ka mid ah ay ka tirsanaayeen ciidamada saadka ee gobolka Shabeellada Hoose.
Guddi ay Somaliland u xilsaartay ka hortagga cudurka Coronavirus ayaa goor dhowayd xaqiijiyey in laba qof oo lagu sameeyey baadhitaan laga helay cudurka Coronavirus.
Dawladda Soomaaliya ayaa amartay in la xiro goobaha barasahada diinta sida dugsiyada iyo mowlacyada, taasi oo qeyb ka ah dadaallada ay dowladda uga hortageyso faafitaanka cudurka Coronavirus.
Ciidamada amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa toogtay laba nin oo ka tirsan maleeshiyada ururka Daacish, sida ay ilo amniga ah u sheegeen VOA.
Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay inay shan duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab ka gaystay meel u dhow Jannaale, intii u dhaxaysay Maarso 16-17.
Dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qof Soomaali ah markii ugu horraysay laga helay cudurka CoronaVirus, waxayna mamnuucday dhammaan duulimaadyada dalka yimaada laga billaabo 18-ka bishan March.
Wararka ka imanaya magaalada Jannaale ayaa sheegaya in halkaasi dagaal ka socdo kadib markii ay ciidamada dalwadda Soomaaliya weerar ku qaadeen goor dhowayd.
Kuwo kale