Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka oo ku saabsan is-dilka iyo dilka dhalinta Soomaalida ah ee ku nool Sweden. Barnaamijka waxaa ku marti ah Maxamed Cawad Maxamed oo la shaqeeya ururrada dhalinyarada Soomaalida ee magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.
GAROWE — Barnaamijka Martida Makrafoonka waxaa toddobaadkan marti ku ah Siciid Qaas, waxaana uu ku saabsan yahay dib u doorashada Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Waxaa soo jeedinaya Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.
Barnaamijka Martida Makrafoonka waxaa toddobaadkan marti ku ah wasiirka waxbarashada HirShabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle, oo ka hadlaya sida fatahadaaha iyo daadadka ay u saameeyeen waxbarashadii deegaanada HirShabeelle.
Barnaamijka Newsmaker (Martida Makrafoonka) toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay halka ay mareyso deyn cafinta Soomaaliya iyo guud ahaan howlaha maaliyada Soomaaliya. Waxaa barnaamijka ku marti ah Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan Cige.
Barnaamijka Newsmaker (Martida Makarafoonka) toddobaadkan waxa uu ku saabsan yahay kaalinta ay culimada Soomaaliyeed kaga jiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Waxaa ku marti ah Sheekh Suldaan Cabdiqani Qorane Maxamed
Somaliland waxa ka jira sicir barar uu sababay doollarka oo qaali noqday. In dhoweydna, waxa socday dadaallo lagu xakameynayo heerka sarrifka lacagaha qalaad iyo shilinka Somaliland. Maxaa kale ee la odhan karaa waxyaabaha karaa sicir bararka keenay, dowladu mas’uul ma ka tahay?
WASHINGTON - Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa toddobaadkan marti ku ah, Dr. Shiikh Maxamed Xaaji Axmed oo ka mid ah culumaa’uddiinka Soomaaliyeed ahna mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyeed. Barnaamijka ayaa ku saabsan kaalinta culumada ee nabadda iyo dib u heshiisiinta.
WASHINGTON - Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa toddobaadkan marti ku ah, Cusmaan Muxyaddiin Shaatax oo ah Guddoomiyaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.
WASHINGTON - Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa toddobaadkan marti ku ah, Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) oo ah garyaqaan deggan magaalada Hargeysa. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.
WASHINGTON - Barnaamijka Martida Makarafoonka, waxaa toddobaadkan marti ku ah; Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya (SODMA) Maxamuud Macallin Cabdulle. Barnaamijka waxaa soo diyaariyey soona jeedinaya Cabdixaafid Cawil Ismaaciil.
Kuwo kale