Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti ku ah Cabdulqaadir Nuur Xuseen Maax oo ah qoraa iyo bare soona noqday Guddoomiyaha Akadeemiyadda Af-Soomaaliga oo ka hadlaya taariikhda Maalinta Calanka iyo wacyiga dhallinyarada xilligan iyo calanka Soomaaliya.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka toddobaadkan waxaa marti ku ah Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Cumar (Cali Balcad) oo nagu soo booqday xarunta VOA ee magaalada Washington, DC.
Barnaamijka Martida toddobaadkan waxaa marti ku ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Dowladda Soomaaliya Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabey) oo aan ka wareysaneyso muhimadda ay leedahay ku biirista Soomaaliya ee hay'adda Atoomikada Caalamiga ah ee IAEA.
Ku soo dhowaada Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka oo toddobaadkan waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Garsoore Saalax Cali Maxamuud. Barnaamijka waxaa soo diyaarisay Falastiin Axmed Iimaan
Barnaamijka oo toddobaadkan ku saabsan xiisadda cusub ee ka dhalatay taageerada ciidan ee Masar ay siisay Soomaaliya iyo saameynta amni ee ka dhalan karta ayaa waxaa ku marti ah Samiira Geyd oo ka faallota arrimaha amniga gobolka, horeyna uga soo shaqeysay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka waxa uu ku saabsan yahay tartanka ay Jahmuuriyadda Jabuuti ugu jirto hoggaanka Midowga Afrika iyo sidoo kale khatarta dhaqaale iyo amni ee ka imanaysa weerrarada Xuutiyiinta ee Badda Cas.
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka waxa uu ku saabsan yahay ciidamada ka socda Masar ee ka mid noqonaya howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. Barnaamijka ayaa waxaana marti ku ah Danjire Cali Cabdi Awaare
Barnaamijka waxa uu ku saabsan yahay xeerarka doorashada iyo axsaabta ee ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya, waxaana marti ku ah Xuseen Shiikh Maxamuud oo ah la-taliyaha arrimaha Dastuurka ee Madaxweynaha Soomaaliya.
Barnaamijka waxa uu ku saabsan yahay ahmiyadda heshiiska difaaca ee Jabuuti iyo Faransiiska, waxaana marti ku ah Aadan Cumar Cabdillaahi oo ah Agaasimaha Machadka Siyaasadda iyo Istiraatiijiyadda ee Xarunta Cilmi Baarista iyo Daraasaadka ee Jabuuti.
Markanna dhageystayaal waxa aad ku soo dhowaataan Barnaamijka Martida Makarafoonka. Barnaamijka oo uu marti ku tahay Axmed Maxamuud Cumar oo ah Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) oo ka hadlaya sidii ay u dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka
Kuwo kale