Midowga Yurub ayaa sheegay inay soo ururiyeen lacag dhan 80 milyan oo Euro oo loogu talo-galay gargaarka bani’aadanimo ee abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.
Guddi xildhibaanada madowga ah ee Mareykanka ee ku jira golaha Sanetka Mareykanka ugu qaabilsan Afrika ayaa ku baaqay in si deg deh ah loo qaado tallaabo looga hortagayo baajinta masiibo bani'aadannimo.
Inta la ogyahay sagaal qof ayaa dhintay, 31 qof oo kalena waxaa la dhigay cisbitalka kadib markii cudurka shubanka uu ka dillaacay magaalada Buuhoodle.
Ra'iisal Wasaare Ku-xigeenka Turkiga Veysi Kaynak ayaa maanta tagey magaalada Muqdishu, isaga oo madaxda Soomaalida kala hadlay wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha Soomaaliya iyo kaalinta Turkiga.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa sheegay in xaaladda abaarta ka taagan qeybo ka tirsan Somaliland ay aad u daran tahay kuna dhow dahay in Somaliland ay macluul ka dilaacdo.
Barnaamijka Martida Mikrofoonka ee toddobaadkan waxaa marti ku ah Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashiid M. Siciid (Dahabshiil) oo ka hadlaya dadaalada abaaraha ka jira Somalia.
Dhalinyaro ku sugan gobolka Sanaag ayaa VOA u sheegay inay abaarta taagan ay ku qasabtay inay fadhiga ka kacaan oo dadka wax u qabtaan.
Xaalada abaaraha saamaysay dad iyo xoolaba islamarkaana keentay inay dadkii xoolo dhaqatada ahaa ay ku waayaan badi xoolahoodi, iyadoo geela oo ka mid ah xoolaha kiisa ugu adkaysiga badan uu hada yahay kani ugu liita.
Gobolka Sanaag waxa uu ka mid yahay gobollada ay abaaruhu sida daran u saameeyeen, iyada oo lix milyan bar Soomaali ah ay abaarahani saameyn xoog badan ku yeesheen.
Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dejisay diyaarad sidey hal tan oo raashiin nafaqeysan ah oo loogu talagay dadka ay abaaruhu ku saameyeen qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan caruurta nafaqo darrada la ildaran.
Kuwo kale