Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay iuu hakiay xiriirkii wada-shaqeyn ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, xilli uu sii xoogeystay khilaafka labada dhinac.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta dib uga furmay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Tamarta Turkey Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in markabka sahminta shidaalka ee Oruç Reis uu ku sii dhowaanayo xeebaha Soomaaliya, halkaasi oo la filayo in uu ka billaabo shidaal baaris.
Golaha Wasiirrada Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ansixiyey heshiis iskaashi oo u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u amba-baxay safar dalka Eritrea, halkaas oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Isaias Afwerki, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.
Dalalka UK iyo Denmark ayaa sheegay inay taageerayaan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii Is-afgarad ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.
Ururka Iskaashiga Islaamiga ayaa garab is-taag u muujiyey Soomaaliya kadib is-afagaradkii ay magaalada Addis-Ababa ku saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland 1-dii Janaayo.
Midowga Yurub ayaa Talaadadii ku adkeystay in la ixtiraamo madax-banaaniada Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay is-afgarad muran dhaliyey la saxiixatay Somaliland.
Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa soo saaray liiska xildhibaanada baarlamanka 6-aad ee Puntland, oo ka kooban 66 xildhibaan.
Somaliland ayaa mar kale ku gacan sayrtay inay dowladda Federaalka Soomaaliya la gasho wada-hadallo ku saabsan in labada dhinac ay dib u midoobaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ku tilmaamay mid waafaqsan mabaadi’da shareecada Islaamka, lana mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda dalka.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde uu kusoo dhoweeyey agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Mahad Salaad.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa abaal-marin lacageed guddoonsiisay muwaadin ay sheegtay inay bixiyey xog ka hortagtay weerar la qorsheeyey in laga fuliyo Muqdihso.
Ilhaan Cumar ayaa loo magacaabay ku-xigeenka hoggaanka xubnaha xisbiga dimoqraadiga ee Guddiga Miisaaniyadda ee Aqalka Wakiilada Mareykanka. Guddigan ayaa mas'uul ka ah dejinta heerarka kharashka guud ee dowladda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisa looga fadhiyo dhaqangalinta heshiiskii hannaanka doorashooyinka oo ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyey heshiiska ay Sabtidii Muqdisho ku gaareen Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan arrimaha doorashooyinka dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac Huruse ayaa booqasho ku tegay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeeshay dhiggiisa Sergey Lavrov.
Midowga Yurub ayaa ansixiyey lacag 20.5 milyan oo Euro ah oo lagu taageerayo miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo qeyb ka ah barnaamijka dowlad dhiska iyo taageerada deyn cafinta ururka ee Soomaaliya oo loo soo gaabiyo SRBC.
Kuwo kale